Hailemairam oo sheegay war yaab leh oo la xiriira qorshaha Amisom

New York (Caasimada Online) – Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn oo ka hadlay Shir ay Madaxda Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ku yeesheen Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York ayaa sheegay inay AMISOM sii joogi doonaan Somalia, xitaa haddii aan Beesha Caalamka laga heloTaageeradda dhaqaale ama aan laga helin..

Waxa uu intaasi ku daray in doorka Hawlgalak AMISOM yahay inay sii wadaan sidii Nabad iyo Ammaan loogu soo dabaali lahaa Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Hailemariam Desalegn waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay xoojiyaan taageeradda ay siiyaan DFS iyo AMISOM.

Hoggaamiyayaasha kale ee ka qeyb galay Kulankaasi waxay ka kala socdeen Jabuuti, Uganda, Kenya iyo Burubndi, kuwaasi oo ay Ciiddamo ka joogaan dalka Somalia.

Bishii la soo dhaafay, Golaha Ammaanka ee QM waxay xilli-hawleedka u kordhiyeen Hawlgalka AMISOM, kaasi oo la gaarsiiyey ilaa bisha May 31-da ee sannadla soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com