Hal arin oo ku qasabtay in wasiir Xoosh Jabriil uu hadal dabacsanaan ah ku qanciyo BF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo magaciisa diiday in warbaahinta loo adeegsado ayaa u sheegay Shabakadda Xogdoonnews in hadalka Wasiir C/raxmaan Xoosh Jabriil uu ka jeediyay xarunta Baarlamaanka ay ku qasabtay cabsi kaga soo wajahday in xilkiisa ku waayo.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u heshiiyay Wasiir Xoosh iney xilka ka tuuraan haddii uu ku adkeysto qoraal uu dhawaan soo dhigay bartiisa Twitterka  oo ahayd (Tuugada Naga qabta)oo uu kala jeeday Xildhibaanada isaga ku kacsan.

“Arirnta Wasiir Xoosh waxay cadayn u tahay in uu u bareeray meel ka dhaca Xildhibaanada, inay liddi ku tahay xasaanadda ay xaqa u leeyihiin Mudane-yaasha Golaha Shacabka,” Ayuu Yiri Xildhibaanka.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa cadaadis lagu saaray inuu raali gelin uu ka bixiyo gafka uu u geystay Xildhibaanada,taasi oo mudo soo jiidameysay.

Waxaana Wasiirka uu yareystay hadalka balse markii danbe uu ku soo baraarugay inuu halis ku jiro Xilkiisa oo loo tashanayo sidii go’aan looga gaari lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda ugu sareysay qeyb ka ahaayeen xal u helista khilaafka soo kala dhex galay Wasiir Xoosh iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo xitaa gaaray in Xildhibaanada ku kala aragdi duwanaadaan.

Shalay oo taariikhda ku beegneyd 5/8/2017 ayaa Wasiir Xoosh uu hortagay Baarlamaanka si uu ugu jawaabo eedeynta loo jeediyay,balse waxaa mar qura lama filaan noqotay in markii Wasiirka lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha uu si fudud uu raali gelin kaga bixiyay qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Twitterka.

Wuxuu sheegay Xoosh Jabriil inuu aad uga xun yahay qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Bulshada,islamarkaana uusan fileyn in halkaasi uu gaarsiisan yahay,mar kalena uu ka fiirsanayo in hadal ceynkaani oo kale oo ka soo qoro Baarlamaanka.

Intaasi ka dib Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday iney cafiyeen Wasiir Xoosh,waxayna digniin u jeediyeen Wasiirada kale iney falkaan mid la mid ah ay ku dhaqaaqaan.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasaaradda amniga uga digtay in askarta Dowladda ay ku xad gudbaan xasaanada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya haddii ay dhacdana lagula xisaabtamo doono Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Dadka Siyaasadda falanqeeya ayaa arintaan ku micneeyay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay leeyihiin awooda ugu sareysa dalka haddii ay isku duubmaan,islamarkaana gaarsiin karaan dalka hormar iyo hogaan caadil ah.

Ugu danbeyntii,talaabada uu shalay qaaday Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil waxay fariin cad oo ku waano qaadasho ah u noqoneysaa Xubnaha kale ee Golaha Wasiirada ee laga yaabo iney wadaasi qaadaan.

W/D: Daahir Aadan Ali

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com