Munaasabad lagu taageerayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug oo Muqdisho lagu qabtay (Sawiro)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweenayay laguna taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay.

Munaasabada soo dhaweynta waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug, Siyaasiyiin, Ganacsato ,Waxgarad iyo Dhalinyaro .

Dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka hadlay Munaasabada ayaa si weyn usoo dhaweeyay una bogaadiyay Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug , waxa ayna balan qaadeen un ay garab taagan yihiin lana shaqeyn doonaan.

Xildhibaan Zakariye Xasan Gaashaan oo kamid ah Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya kana mid ah Guddiga Kheyraadka ee Baarlamaanka oo ka hadlay munaasabada ayaa soo dhaweeyay Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga, waxa uuna ugu baaqay Gudoomiyaha in uu la yimaado wax qabad muuqda iskuna xiro ganacsatada ku sugan Deegaanada Galmudug.

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Galmudug C/Ladiif Cabdulaahi Warsame ,waxa uuna sheegay in ka mamaul ahaan ku faraxsan yihiin in Axmed Yuusuf oo ah Nin aqoonyahan ah loo magacaabo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in looga fadhiyo Gudoomiyaha cusub in uu la yimaado isbadal muuqda kana shaqeeyo sidii loo hour marin lahaa ganacsiga Galmudug, waxa uuna ka codsaday Wasiirka Gudoomiyaha Cusub in Deegaanada Galmudug laga furo xafiisyada Rugta Ganacsiga si la isugu xiro Guud ahaan ganacsatada Deegaanka.

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga Galmudug Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle oo munaasabada hadal Qiimo badan ka jeediyay ayaa sheegay in uu qaadanayo dhamaan talooyinka loo soo jeediyay, waxa uuna balan qaaday in uu la imaan doono wax qabad muuqda .

Mr Axmed Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in uu ka shaqeyn doono hurumarinta rugta ganacsiga Galmudug iyo sidii loogu xiri lahaa rugaha kale ee dalka ka jira, waxa uu sidoo kale balan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo soo nooleyn lahaa ilaha dhaqaale ee Galmudug sida Garoomada iyo Dakadaha.

Munaasabada ayaa kusoo dhamaatay jawi aad u heer sareeya, waxa ayna dhamaan ka qeyb galayaasha u muuqdeen kuwa si weyn ugu faraxsanaa aadna usoo dhaweenayay Gudoomiyaha cusub ee rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug.