Hal arrin oo aan ka baranay mowqifka maamul Goboleedyada ee xiisadda khaliijka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad wararkeena ku akhrisateen Maamulka Koonfur Galbeed ayaa taageeray isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo sheegay in go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada khaliijka in aan laga tixgelin, isla markaana lagala tashan.

War saxaafadeed ku qornaa afka English oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu sheegay in Maamulka Koofur Galbeed uu garab taagan yahay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Haddaba Dadka falanqeeyo Siyaasadda Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in go’aankaan ay gaareen qaar badan oo ka tirsan maamul Goboleedyada oo uu ugu dambeeyey midka uu Shariif Xasan maamulo ee lagu taageeray Imaaraadka iyo Sacuudiga ay muujineyso in labadaan dowladood ay fahmeyn habka kaliya ee lagu jabin karo dowladda dhexe isla markaasna Soomaalida lagu kala furfuro lacag.

Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa lacag xad dhaaf ah u isticmaalay inay taageero ka helaan Maamul Goboleedyada iyagoo isticmaalayo lacag, waxayna midaas keentay inay xulafeysi ka helaan Maamul Goboleedka Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle inkastoo xilka laga qaaday hoggaamiyihii go’aankaas qaatay.

Waxaa laga bartay go’aanadaan inay Imaaraadka xoog weyn ku leedahay Soomaaliya, waxaana xoogaan u fududeeyey lacagta badan oo ay adeegsaneyso, waxayna howshaan kasoo bilowday Maamulka Puntland, maadaama Gaas uu yahay madaxweyne dabadhilif u ah Imaaraadka.

Waxaa wax laga xumaado lagu tilmaamay inay maamul Goboleedyada ka daba shaqeeyaan dowladda dhexe oo awood buuxda u leh inay go’aan ka gaarto Siyaasadda dibadda sida uu qabo Dastuurka iyo sharciga u yaal Dowladda Soomaaliya.

Dowladda dhexe ayaa horey u sheegtay inay khilaafka dowladaha Khaliijka dhex dhexaad ka tahay isla markaasna ay ka qeyb qaadaneyso sidii loo xallin lahaa arrintaan, waxayna dowladahaas dhawr jeer isku dayeen inay badalaan mowqifka dowladda inkastoo ay guul ka waayeen, midaasna waxay keentay inay taageero ka raadiyaan Maamul Goboleedyada.

Inta badan dowladaha Khaliijka ayaa go’doomiyey dalka Qatar oo ah dal Islaam ah oo lagu tilmaamo inuu laf dhabar u yahay Muslimiinta, waxaana muuqato inaan weli wax guul ah laga gaarin go’aanka ay qaateen Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka maadaama dalka Qatar uusan la kulmin wax hoos u dhac ah dhan walba, wuxuuna  taageero weyn ka helay dalalka Turkiga iyo Iiraan.