Masar oo loo gudbiyay qorshe kooxda Al-saadicuun Bil Xaq lagu darayo liiska Argagexisada

Qaahira (Caasimadda Online) – Sida ay maanta Baahisay warbaahinta dalka Masar Xeer ilaalinta dalkaasi ayaa loo gudbiyay dalabka ku saabsan in kooxda Al-saadicuun Bil Xaq lagu daro liiska waxa loogu yeero argagexisada.

Dowladda ayaa sheegaysa in kooxdaan ay abuurtay walaac iyo fikiro mugdi uu ku jiro waxana ay si dhaqsi leh ay ugu baaheen wadamada Soomaaliya,Kuwait,Turkiga,Swedan iyo Talyaaniga xubnaha kooxdaasi.

Xeer ilaaliyaha dalka Masar Nabiil Saadaq ayaa sheegay inay hayaan dalabka dowladda ee ku saabsan in kooxdaasi lagu daro liiska argagexisada.

Dowladda Masar ayaa shaaca ka qaaday in kooxdaan ay khatar ku tahay amniga qaranka dalkaasi waxana taariikhda kooxdaan uu gaarsiisan yahay 40-sano

Mustafa Kamil oo ah hogaamiyaha kooxdaan aas aasay iyo xubnaha la midoobay ayaa baraha bulshada ku baahinayay fikrado ay ku doonayeen in dad badan ay kusoo jiitaan.

Soomaaliya waxa ay kamid ahayd meelaha lagala dagaalamay kooxdaan inay si fudud iskugu baahiyaan ayna wax ay aaminsan yihiin bulshada ka gadaan.

Xeer ilaalinta Masar ayaa ka baaran dagi doonta suurta galnimada inay dowladda Masar ku taageerto in kooxdaan si rasmi ah lagu daro liiska argagexisada.