Hal arrin oo laga bartay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddomiyaha cusub ee baarlamaanka u doortay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo ahaa musharax ay wadatay dowladda Soomaaliya.

Musharaxaan ayaa ka guuleystay Ibraahim Isaaq Yarow oo ay isugu soo hareen wareegga labaad ee tartankaas kadib markii ay xildhibaanada kale is casileen.

Sida aan wararka hordhaca ah ku heleyno Maxamed Mursal ayaa helay codad ku dhow ilaa 147 cod .

halka Ibraahim Isaaq Yarow uu helay 118 cod.

Haddaba waxaa jirto hal arrin oo ay doorashadaan ka barteen xukuumadda Soomaaliya iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mucaaradka ku ah.

Waxaa maalmihii dambe socday loolan adag oo u dhaxeeyey dowladda Soomaaliya iyo xildhibaano mucaarad ku ah, waxayna doorashadaan banaanka soo dhigtay isla markaasna ay is bartay mucaaradka iyo Xukuumadda.

Maadaama sida ay rabtay xukuumadda Soomaaliya ay ka hor imaadeen illaa 118 xildhibaan, waxaa meeshaas ka cad inay dowladda Somaaliya gacanta ku heysan qeyb badan oo ka tirsan Xildhibaanadada Baarlamaanka waxayna midaan u tahay cashir ah inay ogaatay tirada Xildhibaanada ay heli karto.

Dhank kale xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta soo bandhigay inay heystaan tiro badan oo xildhibaano ah inkastoo siyaasadda ay marba is badasho haddana waxaa muuqato inay jiraan xildhibaano badan oo ka hor imaan karo rabitaanka xukuumadda.

118 Xildhibaan maahan wax la yareysan karo, sidoo kale waxaa dhici karto inay kusoo biiraan XIldhibaano kale oo laga yaabo inay xukuumadda ka waayaan ballan qaadyo loo fidiyey ka hor doorashada Guddoomiyaha oo u dhacday sidii ay Xukuumadda rabtay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com