Hal arrin oo si fudud ay DF Somalia uga adkaan karto Kenya oo lasoo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdicasiis Xasan Giyaajo oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa ka hadlay daandaansiga dowladda Kenya ku heyso Umadda iyo dowladda Soomaaliya.

Si dowladda Kenya looga aarsado go’aankeedii ahaa in diyaaradaha Muqdisho ka baxa ay sii maraan magaalada Wajeer, ayuu isna soo jeediyay in dhamaan diyaaradaha Jaadka wadda lagu amro inay yimaadaan magaalada Muqdisho si amaankooda iyo waxyaabaha ay wadaan loo xaqiijiyo.

Wuxuu sheegay inay taasi culees ku noqon doonto ganacsatada diyaaradaha leh, haddii muddo labo bilood ah sidaasi lagu haayana ay qeyl dhaan ku celin doonaan dowladda Kenya, taasina ay qasbi doonto inay Kenya ka laabato go’aankeedii hore.

Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in diyaaradaha jaadka haddii lagu amro inay soo maraan dhamaantood Muqdisho, inaan lagu canshuurin Muqdisho, maadaama canshuurtaasi ay leeyihiin maamul goboleedyada dalka.

“Daandaansiga Kenya waa ka sii darayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxaan kula talin lahaa Dawlada in Diyaaradaha Qaadka Keena oo tira ahaan gaaraya 19 doyaaradood in kuwa Gobolada geeya dhamaan lagu amro in ay Xamar soo maraan si loo sugo amniga ama security consultation arrinkaas waxay culays saareeysaa Ganacsatada diyaadaha iska leh”

“Qaadka haddii laba bilood intaas la sameeyo waxaan shaki ku jirin in ay iyagana joojinayaan in Wajeer la sii marsiiyo dadka ka tegaya Somalia”ayuu yiri Mr Giyaajo.

Kenya ayaa ka baxday heshiis horey u dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo dhigayay in diyaaradaha  ka taga magaalada Muqdisho inay toos u tagaan magaalada Nairobi, waxaana lagu waramayaa in culeesyada Kenya saareyso dowladda Soomaaliya inay ku dooneyso ka laabashada dacwadda Badda ee ICJ hortaala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com