Halkee ayey ku dambeysay taageeradii Faarax Macalin ee dowladda Soomaaliya?

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasi Faarax Macalin Dawaare, ayaa lagu yaqaanay sanadihii ugu dambeysay garab istaaga iyo difaaca uu u sameynayay dowladda Soomaaliya, isaga oo Ethiopia iyo Imaaraatka ku eedeyn jiray inay faragelin ku hayaan Soomaaliya.

Taageerada Faarax Macalin ee dowladda Farmaajo ayaa loo sababeyn jiray labo arin, waxaana la ogeyn waxyaabaha keenay inuu hadda ka aamuso faragelinta iyo cadaadiska dowladda Kenya sida toos ugu heyso Soomaaliya.

Siyaasigaa ayaa guddoomiye ku xigeen kasoo noqday baarlamaanka Kenya, waxaana uu muddooyinkii ugu dambeeyay aad u dhaliili jiray faragelinta Imaaraatka iyo EThiopia ay ku hayaan Soomaaliya.

Maalmihii ugu dambeeyay ma jirin wax war ah oo uu kasoo saaray heshiisyadii waaweynaa ee dowladda Kenya ay ka laabatay, kuwaasi oo horey ay ula gashay dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa ka baxday Heshiiskii duulimaadyada ee ay la gashay dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxay VISA ay u diiday Masuuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan, iyadoo ujeedada tahay inay cadaadis Saarto dowladda madaxweyne Farmaajo.

Cadaadiska dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso dowladaha deriska ah ayaa sii xoogeysanaya tan iyo markii Kenya iyo Ethiopia ay todobaadkaan oo kaliya ay qaadeen talaabooyin midba midka kale ka xoog badnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com