Hal QODOB oo muujinaya tuhun weyn iyo in qoraalka Cabdi Xaashi uu sax yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Arbacadii soo saaray qoraal uu ku sheegay in xeerarka ay ka doodayaan Golaha Shacabka aheyn kuwii saxda ahaa ee guddiga labada Gole soo diyaariyeen.

War-saxaafadeedka Guddoomiyaha ayaa dab ku sii shiday siyaasadda Soomaaliya oo markii horaba aheyd mid aan laheyn sal fadhiyo iyo xasilooni weyn.

Waxaa jira hal qodob oo mar-qaati u noqonaya cabashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, kaas oo ah; doodda baarlamaanka gaar ahaan Golaha Shacabka ayaa waxaa diidan dowlad gobaleedyada dalka waxaana ka muuqato orod iyo boobsiis waana waxa sii xoojinaya qeyla dhaanta guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale dooda Aqalka Sare ayaa waxaa marqaati u ah doodii madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada taas oo aheyd in Madaxweynaha ka codsadeen in marka hore la joojiyo sharciyada baarlamaanka horyaala iyo kuwii laga soo gudbay oo ay qeyb ka yihiin kuwa muranka dhaliyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowlad gobaleedyada ka ogolaaday codsigaas inkastoo uusan wali dhaqan gelin. Dalabkaan ayey dowlad gobaleedyadu jeediyeen kulankii ugu dambeeyay ee dhacay Isniintii todobaadkaan.

Puntland iyo Jublanad ayaa labadaba qoraallo ay soo saareen ku sheegeen in dowladda ay ka baxday ballanqaad uu Farmaajo sameeyey Isniintii.

Wararka ayaa sheegaya in la doonayo in dhammaan xeerarkan la ansixiyo ka hor kulanka madaxweynaha iyo madax goboleedyada oo ku beegan 5 ilaa 7 July, taasi oo muujineysa boobsii la rabo in wax lagu marsado.

Waxaa sii xumaanaya khilaafka u dhaxeeya labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya waxaana la aaminsan yahay in Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso hujuumka ku socdo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS.