Sidee Turkiga u fashiliyey cayaartii France ee Libya?

Ankara (Caasimada Online) – Sida ay werisay Daily Sabah, Turkigu waxaa uu xiray afar qofood oo loo heysto in ay u basaasayeen Faransiiska. Afarta qof oo ah muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga waxay aruurinayeen warbixin ku saabsan ururrada isbedel diidka iyo urur diimeedyada Turkiga.

Sidoo kale waxay isticmaaleen aqoonsiyo been abuur ah, si ay isugu ekeysiiyaan wakiillada hey’adda sirdoonka Turkiga, sida warka lagu sheegay. Hogaamiyaha kooxda basaaska ah waxaa uu booliiska u sheegay in lagu soo tababaray dalka Faransiiska, kadibna uu seddax qof oo kale u qortay si ay uga caawiyaan howlihiisa basaasnimo.

Warkaan waxaa uu yimid kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Faransiiska oo ah labo wadan oo ka tirsan xulifadda NATO, markii ay laba meel oo kala duwan ka istaageen xasaradaha dalka Libya. Markii ugu dambeysay, toddobaadkii lasoo dhafay dhacdo ayaa ka dhex-dhacday  maraakiibta dagaalka ee Turkiga iyo Faransiiska, kuwaas oo  ku wada sugan badda Mediterranean-ka.

Faransiisku waxaa ciidamada badda Turkiga ku eedeeyay “in ay ku xad-gudbeen maraakiibta dagaalka Faransiiska ee ka tirsan howlgalka NATO.”  Wasaaradda difaaca Faransiiska waxay maraakiibta dagaalka Turkiga ku eedeysay in ay aad uga gardaranyihiin maraakiibta dagaalka Faransiiska.

Markii markab dagaal oo Faransiisku leeyahay uu isku dayay in uu hubiyo in mid Turkigu leeyahay uu hub u tahriibinayo Libya, lama uusan shaqayn, wuxuuna diiday in uu u sheego meesha uu u socdo, sida ay sheegeen saraakiisha Faransiiska.

Faransiisku waxaa uu sheegay in markabka Turkigu uu damiyay qalabkiisa, isla markaana uu qariyay aqoonsigiisa, Turkiguna waa uu beeniyay eedeynta, waxaana uu sheegay in Faransiisku uu ku qaldanaa in uusan xiriir la sameyn markabka Turkiga.

Dhacdadaan u dhaxeysa dalalka Turkiga iyo Faransiiska waa qaraxii ugu dambeeyay, laakiin xiisadda u dhaxaysa labada dal ma cusba. Tan iyo markii Faransiisku uu si furan u taageeray kooxda YPG,  xiriirka Turkiga iyo Faransiisku  waa uu xumaa.

Kadib faro gelintii uu Turkigu ku sameeyay Liibiya oo ka dambeysay markii uu Turkigu heshiis military la galay Dowladda Qaramadda Midoobay taageerto ee Liibiya, xiriir-xumadda u dhaxaysa Turkiga iyo Faransiiska ayaa ka ksoo ifbaxday Liibiya.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii sheegay in Faransiisku uusan u dul qaadan doonin faro-gelinta military ee Turkigu ku sameeyay Liibiya. Inkastoo xukuumadda Paris ay doorweyn ku leedahay sii soco shadda qalalaasaha Liibiya, Macron waxaa uu hadalkiisa ku daray in Ankara ay “cayaar halis ah” ku dheeleyso wadanka dagaaladdu la degeen ee Libya.

Ankara deg-deg ayey ugu cambaareysay hadalka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, war qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hami Aksoy. Ayaa lagu yiri “Ereyadda Madaxweynaha Faransiiska keliya waxaa lagu sharixi karaa in uu sababta ku daboolayo iyadoo taageeradda Turkiga ee Dowladda sharciga ee Liibiya ay waafaqsantahay qaraarka Qaramadda Midoobay.”

Turkigu lama uusan yaabin carada Faransiiska, iyadoo Ankara ay bedeshay dhacdooyinkii ka socday Liibiya, iyadoo u maraysa tageeridda Dowladda sharciga ah ee Liibiya. Taageerayaasha Jeneraal Khalifa Hafter, sida Faransiiska, Imaaraadka, Masar iyo Russia ayaa ka niyad jabsan khasarihii Hafter soo gaaray labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Jeneraal Khalifa Hafter, keliya kuma guul darreysan gulufkiisa sanad jirsaday ee Tripoli, waxaa uu sidoo kale lumiyay meelo muhiim ahaa oo uu qabsaday sanadkii 2014-kii. Faransiiska waxa uu si gaar ah uga xanaaqay in Dowladda uu Turkigu taageerayo ay isu diyarineyso in ay qabsato Jufra iyo Sirte.

Jufra iyo Sirte aad ayey muhiim ugu yihiin Faransiiska wuxuuna ka aruursadaa Dahabka iyo Uranium-ka, kaasi oo uu ka boobo dalalka Afrika, sida Mali, Chad, Niger iyo sidoo kale Saliida Liibiya ee garoonka Jufra, iyadoo la marsiiyo Sirte loona sii gudbiyo France.

Sida la ogyahay, Faransiisku waa wadanka Liibiya u horseeday qaska. Waxaa intaas dheer xukuumadda Paris waxay Liibiya u direysay kaalmo military oo qarsoodi ah muddo sanado ah – taasna waxaa caddeeyay warbixino badan.

Faransiisku waxaa uu matalayaa in uu doonayo nabadda Liibiya, laakiin xaqiiqdii waa mid ka mid ah kuwa caqabadda hor dhigaya nabada.  Sida uu sheegay howlgalka taageeradda Qaramadda Midoobay ee Liibiya, waxaa magaalada Tarhuna laga helay xabaal wadareed, kadib markii ciidanka dowladdu ay magaaladaas ka xoreeyeen ciidamada Jeneraal Khalifa Hafter.