Loolan adag oo ka taagan maqaayad laga dhex furayo xarunta baarlamankii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer gebo-gebo ah maraya dayactir lagu sameeyay dhismihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, dhismahaas oo ku yaala agagaarka taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Dhismahaan oo lagu soo koobay oo kaliya wareegga xaruntii baarlamaanka ayaa loo sameeyay fadhi qurux badan, beero iyo geedo lagu talaalay waxaana sidoo kale loo sameeyay goobo lagu sheekeesto inkastoo ay wali bur bursan tahay gurigii baarlamaanka.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ay ku jiraan siyaasiin iyo Xildhibaano ay tartan ugu jiraan sidii ay halkaas uga furi lahaayeen maqaayad cuntada fudud lagu sameeyo si looga iibsado dadka usoo damaashaad taga.

Masuuliyiintaan ayaa qaarkood la kulmay maamulka gobalka Banaadir, waxayna weydiisteen in ganacsi ka sameystaan xaruntaan inkastoo aan wali loo ogolaanin sidoo kalane aan loo diidin.

Waxaa sidoo kale jira mas’uuliyiin kale, oo ay ku jiraan xildhibaano, oo iyagana maraya madaxtooyada iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha, si loo siiyo qandaraaska.

Muqdisho oo ka soo kabaneysa dhibaatooyinkii gaaray ayaa ku jirta tartan ganacsi oo weyn iyo dhismiyaal qurux badan. Sidoo kale magaalada ayaa gashay jawi nabad galyo ah kadib markii ay aad u yaraadeen weeraradii iyo qaraxyadii ka dhi