Hal sabab oo ay Puntland u aqbali karin codsiga Lafta-gareen ee ah in dadkiisa…

Habeenkii Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni madaxdii goobta ka khudbadeysay waxaa ka mid ahaa Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Laftagareen markii laga yimaado in uu hambalyo iyo bogaadin u jeediyey Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo shacabkeeda waxa uu la yimi codsi ka qosliyey Deni iyo martadii xafladda ka soo qeyb gashay.

“Madaxweyne waxaan kaa codsanayaa in bulshada reer Koonfur Galbeed aad siiso matalaad siyaasadeed oo Puntland oo ah waxa kaliya ee ay ku la’yihiin maamulkan”, ayuu yiri Laftagareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa uu hadalkaas uga dhawaajiyey kaddib markii uu qiray in shacabka ka soo jeeda Maamulkiisa uu sheegay in ay wax walba oo wanaag ah kala kulmeen gobolada Puntland ee ay deegaanka iyo ganacsigaba ku haystaan.

Matalaad siyaasadeed ayuu sheegay kaliya in ay ka dhiman tahay shacabka Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland.

Hase yeeshee, waxaa weydiin mudan sida ay uga suurtoobi kareyso Puntland in ay ku aqbasho codsiga Madaxweyne Laftagareen.

Qormadan waxaan ku eegi doonaa qodob cajiib ah oo bidhaaminaya sida ay u adag tahay in codsiga Laftagareen ay uga miro dasho Puntland.

Shacabka Puntland waxa ay u arkaan reer koonfur galbeed in ay culeys dhaqaale ku hayaan deegaankooda oo aysan jirin wax ay ka dheefaan!

Qodobka kore waa mid ay dhici karto inay la yaab ku noqoto shacabka reer Koonfur Galbeed ee Puntland ganacsiga iyo deegaan ahaanba u jooga halkaas iyo waliba bulsho weynta Soomaaliyeed.

Xaqiiq waxaa se ah in reer Puntland doodaas qiil ugu helayaan marka ayaad ogaata sababta.

Shacabka Puntland waxa ay aaminsan yihiin in dadka ka soo jeeda Baay iyo Bakool ganacsi ahaan culeys ku yihiin marka la eego dhaqanka baayac muushtar ee bulshadaas oo ah mid faa’idada ay ka raadiyaan aad uga hooseysa midka ganacsata Puntland rabaan.

Tusaale, sida ay reer Puntland oo aan qaar ka mid ah arrinta matalaada aan kala dooday a ii sheegeen, ganacsatada Koonfur Galbeed waxa ay hoos u dhac u keeneen faa’idada ay raadiyaan kuwa deegaanka ka soo jeeda maadama ay keenaan alaab la mid ah kuwooda kaddibna ku sii iibiyaan qiime aad uga jaban.

Waxaa la arkaa in ganacsade reer Puntland surwaal ku iibinayo 30 Doolar halka isla surwaalka dukaanka carwada ku dhagan oo uu haysto ganacsade reer Koonfur Galbeed ah ku iibinayo 15 Doolar!

Arrintaas waxaa u sahlaha ganacsadaha KGS ka soo jeeda in ay dhici karto carwada uu dagan yahay in uu la wadaago saddex kale oo saaxiibadiis ah oo uu mid halkaas dukaan qeyb ka leeyahay sidaasna ku wada bixiyaan kirada halka midka reer Puntland kaligii dagan yahay qolka!

Qodob kale oo yaab leh ayuu ii sheegay shaqsi kale oo reer Puntland ah kaas oo ah in shacabka reer Koofur Galbeed aysan dhexgalin bulshada oo aysa xataa shaaha ka iibsan. Tusaale, shaaha waxa ay ka cabbaan maqaayad ay leeyihiin isla ganacsato reer Koonfur Galbeed ah!

Sidaas daraadeed, shaqsiyaadka ay dooda na dhexmartay ayaa ii sheegay in ay adag tahay in bulsho sidaas yahay dhaqankooda ganacsi iyo is dhexgalba in lagu dhiirigaliyo matalaad siyaasadeed!

W/Q: Maxamed C/raxmaan Jaamac
Addis-Ababa, Ethiopia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid