Hal sabab oo la sheegay in loo hakinayo duulimaadyada garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Dowladda Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in 22-ka Bishaan Garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho laga mamnuucay duulimaadyada.

Dowladu waxa ay sheegtay in 22-ka Bishaan oo ku beegan maalinta Arbacadda ah ee socota la qaban doono Munaasabada Caleema saarka sidaa aawgeed aanu shaqeyn doonin Garoonka Aadan Cadde.

Wasaarada Duulista Hawada dowladda Somalia Cali Axmed Jaamac “jingali”, ayaa sheegay in duulimaadyadii imaan jiray Muqdisho la joojiyay.

Wasiirka waxa uu sheegay in maalintaasi la hakin doono dhammaan dhaqdhaqaaqyada Garoonka, waxa uuna tilmaamay in Garoonka ay isticmaali doonaan keliya Diyaaradaha wufuuda ka qeybgaleysa Caleemasaarka.

Haddalkaani ayaa imaanaya xili Dowlada Somalia ay ku howlan tahay munaasabadaha caleema saarka iyo kuwa xil wareejinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com