Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta xilkii ka qaadday Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. C/weli Jaamac Gorod oo aan xilkan heyn muddo sanad ah.
Madaxweynaha ayaa xilkaas u magacaabay Jen. Daahir Aadan Cilmo Indha Qarshe oo horay xilkan u soo qabtay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hal sano gudahood xilka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka waxaa isku badalay ilaa seddex taliye laga soo bilaabao April 2017.
si la mid ah Wasaaradda Gaashaandhigga oo iyana saddex wasiir isku bedeshay.
Hadda halkaan hoose ka akhriso sooyaalka uu xilkaan soo maray halkii sano ee ugu dambeysay:
6 April sanadkii 2017: waxaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen. Axmed Jimcaale Cirfiid,
12 October isla sanadkaas ayuu is casilay.
waxaana Taliye cusub loo magacaabay Jen. C/weli Jaamac Gorod oo ka tirsanaa Ciidamadii Cirka.
16 Agosto sanadkan 2018 waxaa Taliyaha cusub ee Ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo xilkan horay u hayay 2013 illaa 2015.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]