Hal sano kadib G/Banaadir kama muuqdo isbeddel ka badan in magacii Yariisow lagu beddelay Filish

Muqdisho (Caasimadda Online) – 22-Aug-2019 ayaa madaxweyne Farmaajo waxa uu Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir kadib geeridii ku timid Ahun Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo 1-Agosto-2019 ku yeeriday Isbitaal ku yaal magaalada Doxa ee Waddanka Qadar.

Magacaabista Cumar Filish waxa ay dad badan u arkayeen in ay isbeddel wanaagsan ku sameyn karto xaalka murugsan ee Caasimadda Muqdisho oo sida uu daabacay Wargeyska World Population Review ay ku dhaqan yihiin dad kor u dhaafay 2.5 Milyan oo qof, hayeeshee inkasta oo uu guddoomiyuhu sheegay in uu waxqabad wanaagsan la imaanayo haddana sida ay qabaan dadka rogroga habdhaqanka iyo maamulka Gobolka Banaadir ma muuqdo illaa hadda isbeddel ka badan in magacii Yariisow lagu beddelay Filish.

Cumar Maxamuud guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu munaasabad lagu soo dhoweeyey magacaabistiisa oo ka dhacday gobolka Banaadir 30-Agosto-2019 ka sheegay in uu sameynayo isbeddel ballaaran si gaar ahna uga howlgelayo Nabadgelyada iyo furidda Waddooyinka, ballaan-qaadkaas ayaa aad u soo jiitay ka qayb galayaashii munaasabadda, waxa kale oo uu intaas raaciyey in uu muddo 6 bil ah ku qabanayo dhammaan ballanqaadyadaas.

Balse hal sano kadib Cumar Filish oo xalay qabsaday Xafladda sanad guuradiisa ayaa sanad kadib ka hadlay waxyaabaha ka fulay ballanqaadyadii uu sameeyay markii Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay xilkaan.

Cumar Filish oo ballanqaadkii ugu weynaa ee laga sugayey aheyd qaadista dhagaxaanta waddooyinka lagu xiray jid-caddayaasha iyo isgoysyada caasimadda ayaa si cad u sheegay inuu ku fashilmay arrintaas sababo uu ku sheegay inay tahay duruufo amni oo la rumeysan yahay inay taagneyd waqtigii uu ballanqaadka sameenayey.

“Habeenkii aan xilka la wareegayay 29-kii Agoosto 2019, shacabka waxa ay doonayeen qaadista dhagaxaanta, waxyaabihii aan ballanqaaday ayay qayb ka ahayd, balse way noo suurageli waysay caqabadah amni darteed,” ayuu yiri Cumar Filish.

“Waan jecel nahay magaalo amni ah oo isu gudubkeeda gees ilaa gees u xor yahay, balse wax waliba duruufaha amni ayaa naga hortaagan, qaadista dhagaxaanta waxa aan ku badalnay howlgalo militariga ay kawadaan labada Shabeelle si xasiloonida loo adkeeyo,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Guddoomiyaha ayaa xusay in wax kasta ay rabaan inay qabtaan ay ka sare martay duruufaha amniga oo uu sheegay inay tahay midda u baahan in laga shaqeeyo sidii loo xallin lahaa.

“Sidii aan rabnay wax waa noogu suurageli waysay, dadaalkeenu mayaro, waxaase naga sare maray duruufaha Amniga oo ah waxa ugu horeeyo ee u baahan in aan ka shaqeyno, waxaana bilawnay fulinta ballanqaadyada sida ugu fudud ee aan u fulin karno” ayuu yiri.

Dadka fallanqeeyo siyaasadda ayaa  rumeysan in sababta ugu weyn ee loogu fashilmay qaadista dhagxaanta iyo sugidda Amniga Muqdisho ay tahay in ciidamada sugayo amniga aysan hoos tagin Gobolka Banaadir isla markaasna ay ka amar qaataan taliska Booliska Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye Cumar Filish laga sugayey inuu ka shaqeeyo sidii ciidamada Booliska ee sugayo amniga loo hoos geyn lahaa Maamulka Gobolka Banaadir taasoo fududeyn laheyd in wax laga qabto amni xumada ka jirto Muqdisho.