Halis cusub: Dowladda Ethiopia oo Baydhaba ku abuureysa sirdoon qaab cusub u shaqeeya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed kusii kordhaaya shaqsiyaadka sida tooska ah ula shaqeeya Wardoonka Ethiopia ka jooga magaalada Baydhabo.

Shaqsiyaadkan oo dhawaan laga diiwaan galiyay xarunta weyn ee ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa ka howlgala dhammaan deegaanada maamulka.

Wardoonkan cusub ayaa xogaha si toosa ugu shuba xarunta laga maamulo ciidamada Ethiopia ee magaalada Baydhabo, waxaana xusid mudan inay ku jiraan ciidamo ka tirsan maamulka oo qaabab khaldan loo adeegsado.

Wardoonka ugu badan ee sida tooska ah ula shaqeeya Saraakiisha Ethiopia ka jooga magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku jira Shaqaale ka howlgala xarumaha maamulka iyo Macalimiin Oromo ah oo ka howlgala iskuulada iyo dugsiyada Baydhabo.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in wardoonka ay qeyb ka yihiin shaqsiyaad ku shaqeeya qaab Tabliiqa kuwaa oo gaara dhamaan deegaanada maamulka, si ay u helaan macluumaad xaqiiq ah.

Saraakiisha iyo ciidamada Ethiopia ayaa awood ku dhex leh deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, taa oo gaarsiisan heer ay wada shaqeyn wadaagan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Dowlada Ethiopia ayaa xooga saareysa hanashada dhulka maamulka Koonfur Galbeed oo la rumeysan yahya inay ku dhex leeyihiin awooda ugu sareysa.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaan waxba u arag howlaha ay Somalia ka dhexwadaan Saraakiisha iyo Ciidamada shisheeye ee sida tooska ah u adeegsada muwaadiniinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com