25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Halis cusub: Qeybo ka mid ah hawada Somalia oo lagu wareejinayo dalal shisheeye

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Hey’adda ICAO ee maamusha Hawada Soomaaliya ay carqaladeyneyso hanaankii DFS loogu wareejin lahaa Hawada Somalia.

Hey’adda ICAO ayaa wado qorsho hoosaad lagu doonaayo in lagu hor istaago wareejinta Hawada Somalia.

Qorshaha cad ee Hey’adda ICAO ayaa ah mid lagu doonaayo in hawada Somalia ay u kala dhantaasho labo qeyb oo midkood la doonaayo in lagu wareejiyo DFS, halka qeybta kale lagu wareejin doono dowlado kale.

Hey’adda ICAO, ayaa wada dadaal Hawada Somalia qeyb ahaan lagu xiraayo si loo xadido cabirka ay diyaaradaha ku isticmaali karaan Hawada Somalia.

Qorshaha ugu weyn ayaa ah in Hawada qeybta Badweynta Hindiya xiga loo qeybiyo wadamada Hindiya iyo Seychelles oo ay heshiis wada galeen Hey’adda ICAO.

Dadaalka ugu badan ee lagu carqaladeynaayo Hawada Somalia ayaa waxaa wada qeyb kamid ah Hay’adda ICAO gaar ahaan garabka ”Air Navigation Bureau”.

Hay’adda ayaa ficilka lagu kala qeybinaayo Hawada Somalia ku micneysay in ay diyaaradaha mara xadka ay Somalia la wadaagto Hindiya aanay maqli karin raadiyayaasha ay adeegsaneyso xarunta Hawada Somalia laga maamulo ee ku taala Nairobi.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda ICAO oo bilihii lasoo dhaafay safaro ku kala bixinaayay dalalka Hindiya iyo Seychelles ayaa soo afmeeray safaradooda iyadoo ay u xayiran yihiin fulinta heshiiska lagu bixinaayo qeyb kamid ah Hawada Somalia.

Dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada ay howshaani khuseysa ayaan weli ku baraarugin dabinada ay Hay’adda ICAO u dhigeyso Somalia, taa oo iminka la xaqiijiyay inay tahay mid gabaabsi ah.

Si kastaba ha ahaatee, Hey’adda ICAO ayaa muddo 25 sano maamuleysa Hawada iyo dakhliga ka soo xarooda, iyadoo la is weydiinayo sababta ka dambeysa in xilligan loo xiro qalab xumo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News