Mooshinkii ka dhanka ahaa Shariif Xasan oo soo dhammaaday iyo Baarlamaanka oo..

Baydhabo (Caasimadda Online) – Warar si hoose aan u helnay waxay sheegayaan inuu soo dhammaaday mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanno K/galbeed ah ayaa qalinka ku duugay mooshinkaan, waxaana loo gudbin doonaa saxaadaha soo aadan guddoonka baarlamaanka ee maamulkaasi.

Xogtu waxay leedahay Xildhibaannada waxay diideen iney lacag ka qaataan Shariif Xasan, sidoo kale waxay diideen in madaxweynahooda ay la kulmaan.

Shariif ayaa marar badan iska badbaadiyey mooshin isaga ka dhan ahaa, hase ahaatee lama oga sida uu  hadda wax isaga badbaadin doono.

Shariif Xasan ayaa wado dadaalkii ugu dambeeyey oo uu isaga badbaadinayo mooshinka laga keenay, waa nin si fiican u yaqaan sida looga gudbo xaaladaha qatarta ah.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.