Wax ka baro tirada, mushaarka iyo shaqada xildhibaannada 6-da maamul ee Soomaaliya

Soomaaliya waa dal u diyaarsan nidaam federaal ah, 6 maamul ayaa hadda rasmi u dhisan marka lagu daro Somaliland, maamulladaasi waxaa u dhameystiran golayaashii sharci dejinta ee heer maamul, tirada guud ee Xildhibaannada Soomaaliya waxaa ay gaarayaan 1,002,halka lacagta ku baxeyso sanadkii mushaar ahaan ay gaareyso  $6,029, 200 oo mushaar u ah xildhibaannada maamul goboleedyada  iyo $11, 844,000 oo Xildhibaannada federaalka ah, waxaa kale oo xusid mudan in marka laga reebo maamulka Somaliland iyo kuwa federaalka ah ay dowladda Soomaaliya ugu talo-gashay maamulladaasi miisaaniyad sanadeed dhan  illaa $10.9 Milyan!!

Maamul goboleedyada dowladda federaalka ah ee 5-ta ah iyo Somaliland marka la isku daro Xildhibaannada waxaa  ay tiro ahaan gaarayaan 641, Haddii aan sii kala saarno waa sidan:

 Somaliland: 164 Xildhibaan oo labada aqal ah, Koonfur Galbeed: 149 Xildhibaan, Puntland: 66 Xildhibaan,  Jubbaland: 75 Xildhibaan, Galmudug: 89 Xildhibaan, HirShabelle: 98, waxaa intaasi dheer 329 Xildhibaan oo baarlamaanka federaalka ah iyo 32 Xildhibaan oo matalaya baarlamaanka aan la aqoonsaneen ee Khaatumo State, taasi oo tirada guud ka dhigeysa: 1,002 Xildhibaan.

Baaritaan ay sameysay Goobjoog News waxaan ku ogaannay lacagta mushaar ahaan u qaataan dhammaan Xildhibaannadan maamul goboleedyada iyo xitaa Federaalka.

Xildhibaannada Puntland waxaa ay bishii  qaataan $1,500, Xildhibaannada Jubbaland, Galmudug iyo  HirShabelle min $1,000 halka Xildhibaannada Koonfur Galbeed ay gunno u helaan bishii $700.

Xildhibaannada labada aqal ee Somaliland waxaa ay mushaar ahaan u helaan bishii $2,000halka baarlamaanka federaalka ah Xildhibaannadiisa 329-ka ah ay mushaar ahaan bishii u helaan $3,000 oo aaney gunno iyo fadhiyada caadiga ah ku jirin, Xildhibaannada federaalka waxaa mushaar ahaan sanadkii ku baxda $11, 844,000.

Sida aan kor ku sheegnay miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee maamul goboleedyada ugu talo-gashay sanadkan 2017-ka waa  $10,970,000 oo ay u kala helaan:  Puntland: $4,675,000, Jubbaland: $2,695,000, South West iyo Galmudug: min $1,425,000 halka Hirshabeelle loo qoondeeyay: $750,000, Somaliland kuma jiro qoondada aan sheegnay!

Xildhibaannada maamul goboleedyada waxaa ay kuu sheegayaan arrimo la yaab leh oo mushaaraadka iyo gunnooyinka ku saabsan, marka laga soo tago Somaliland iyo Puntland inta kale Xildhibaannada waa lagu dhibaa mushaarka bil kasta.

Xildhibaan Koonfur Galbeed ka tirsan waxaa uu ku dhaartay in sanadkan aaney arag wax mushaar ah, horayna loogu dhibi jiray, mid Hirshabeelle ah waxaa uu ku doodey in Cosoble u tureen mushaar la’aan.

Caqabadaha Xildhibaannada:

Marka laga soo tago mushaarka, waxaa jira arrimo badan oo baarlamaannada maamul goboleedyada ay ku guul-dareysteen waxaa ka mid ah:

Ma jirto wada Shaqeyn: Sida ay noo xaqiijyeen dhammaan Xildhibaannada maamul goboleedyada, ma jiro wax wada shaqeyn ah oo ka dhaxeeya Xildhibaannada, isma yaqaanaan, isma booqdaan, ismana daneeyaan!!

Federaalka Maba Fahamsana: Xildhibaannada oo la rabay in ay wax badan ka qabtaan tusaale ahaan sharciyadii federaalka ee maamul goboleedka ee la jaan-qaadi lahaa kuwa dowladda federaalka ah weli uma diyaarsana, uma tababarna, mana jirto hey’ad diyaar u ah in ay ka caawiyaan!!

Dadka Ma Matalaan: Xildhibaannadan waxaa ay aheyd in ay matalaan deegaannada maamul goboleedka laakin qaarkood caasimadda maamul goboleedka inay joogaan ayaa ku dhib ah, shaqada ugu badan waa mooshin iyo mushaar raadis!!

Dad khubaro xagga dhaqaalaha ah waxaa ay qabaan in ay aad u yar tahay qoondada miisaaniyadda dowladda federaalka ah ugu talo-gashay maamul goboleedyada, taasi ay keeni karto in maamulladaasi oo mushaar iyo horumar raadis ah ay hoos tagaan dowlado kale, sida arrinta Imaaraadka!!

Su’aalaha ugu muhiimsan ee illaa iyo hadda aan jawaabaha loo heyn waxaa ka mid ah: Ma loo baahnaa tirada intaa la eg? Ka waran haddii ay deeq-bixiyeyaasha joojiyaan lacagaha ku baxo?  Maxay u dhameystiri la’yihiin howlaha federaalka ah sida dastuurka, garsoorka, Kheyraadka, Xuduudaha iyo arrimo badan oo muhiim u ah hirgelinta nidaam federaal ah oo xalaal ah.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye,Â