Muxuu Gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ka yiri codkii sirta ahaa ee laga duubay

Jowhay (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre, ayaa si kulul uga hadlay cod sira oo laga duubay xili la sheegay inuu wadahadal kala dhexeeyay Hogaamiyihii maamulka ee xilka laga tuuray.

Sheekh Cusmaan Barre, oo codkaasi laga baahiyay ayaa sheegay inaanu waxba ka jirin, waxa uuna farta ku goday in codka noocaasi uu yahay mid leysku geeyay oo aan sax aheyn.

Waxa uu Guddoomiyaha beeniyay wadahadalka la sheegay inuu la galay Cosoble wixii ka danbeeyay xil ka qaadidiisa.

”Anigu cosoble kalama aanan hadal wax siyaasad ah, waxaana qabaa in dib loo eego codka la baahiyay maaha mid aniga i quseeya”

Mar uu Guddoomiyaha la hadlaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in Cosoble ay kala fogaadeen wixii ka danbeeyay dhicitaankiisa.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Waa wax laga xumaado in laga been abuuro mas’uuliyiinta, dadka arimahaas sameynayana ay yihiin kuwa wax ma garato ah”

Geesta kale, Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in laga fogaado waxyaabaha aan salka ku heyn xaqiiqda, waxa uuna ku celcelshay in laga been abuuray isla markaana laga daba shaqeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com