Xildhibaanada BF oo weli isku khilaafsan go’aanka Ethiopia loogu hibeeyay Qalbi-Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli aad loo hadal hayaa xariga iyo dhiibida Sargaalka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, oo si rasmi ah loogu wareejiyay dowlada Ethiopia.

Dhiibitaanka Sargaalkan ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xildhibaano iyo waxgarad Soomaaliyeed oo dhamaantooda dowlada Federaalka ku dhaliilay ficilka dhiibida Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada qaar ayaa ciladaasi dhacday dowlada Federaalka uga faa’iideysatay mucaarad nimadooda, halka qaarna ay ku baaqeen in dowlada ay raadiso xal kale oo lagu badbaadinkaro halgamaaga.

Xildhibaannada Baarlamaanka, qeyb kamid ah ayaa dowladda ku eedeynaya in khaladkii ugu weynaa ay sameysay, halka qeyb kalana ay kasoo horjeeda, kuwana aan wali ka hadlin arrinta.

Xiisad siyaasadeed oo aad u adag ayey wajaheysaa dowladda hadda jirta, taas oo aan horay usoo marin maamuladii dowladda ka horeeyay.

Kuwa kasoo horjeeda dhiibida Sargaalka ayaa yiri ”Dowladu wey ka gudubtay sharciga waayo Abdikariim Qalbi Dhagax waxa uu reer Muqdisho ahaa muddo 3 sano isagoo aan la kulmin wax caqabad ah”

Xildhibaanada dhaliilsan go’aanka lagu dhiibay Abdikariim Qalbi Dhagax ayaa u badan garabka taabacsan dowladii hore ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada hadda jirta.

Walow dowladda Federaalka si rasmi ah aysan uga hadal, in Qalbi Dhagax loo gacan geliyay dowladda Ethiopia, haddan Maamulka Addis Ababa ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF ee Abdikariim Qalbi Dhagax.

Wasiirka warfaafinta Ethiopia Dr. Negeri Lencho, ayaa sheegay in dowladda Somalia ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

Dr. Negeri Lencho, waxa uu qiray in Qalbi Dhagax loogu soo wareejiyay heshiis dhexmaray labada dowladood.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa laga dalbaday inay inay cadeyso sababta ku khasabtay in shisheeye ay ku wareejiso muwaadin halgamaa ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com