Halis kasoo socota caburinta weriyaasha, siyaasiinta iyo shacabka Muqdisho?

Waxaa meeshii ugu sarreeyay gaartay caburinta weriyaasha iyo warbaahinta halkii markii hore ay tabasho qabeen siyaasiinta iyo shacabka gobalka Banaadir iyo kuwa Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana laga digayaa halista arintaasi ka dhalan karta.

Waxaa shaki kaa gelaya nuuca dowladda maanta ka jirta Soomaaliya markii aad eegto heerka caburinta iyo jirdilka lagula kacayo dadka ka aragti duwan madaxda dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa sameysay talaabooyinkii ugu dambeeyay ee aamusinta warbaahinta kadib markii maanta oo kaliya ay xarag iyo jirdil isugu dartay ilaa 5 weriye oo ka shaqeeya 3 xarun warbaahinta oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa hore shirarka looga joojiyay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo iyadoo ay xabsiyada la dhigay boqolaal dad ah oo ka aragti duwan madaxda dowladda Soomaaliya.

Dad badan ayaa ka digayaa halis ka dhalin karta caburinta weriyaasha iyo dadweynaha waxaana muuqda in kacdoon toos ah uu ka bilaaban karo Muqdisho. Cabashada waxa kaliya ma ahan weriyaasha iyo siyaasiinta balse waxaa qaba caruur iyo ciroole dadka ku nool Muqdisho.

Wadayaasha gaadiidka BL-ka ayaa maalintii labaad dhigay maanta banaanbax waxaana qaarkood loo geestay Jirdil iyo xarig. Wadayaasha ayaa sheegayay in ay iska iibiyeen gaadiidka Tax-ga iyo gaadiidka kale ee raaxada kadib markii ay waayeen goobo ay maraan, arintaasi waxay horseeday dhaqaalo la’aan iyo bur burka qoysas badan.

Weriyaasha, siyaasiinta iyo shacabka Muqdisho iyo Baydhao ayaa ah bulshada kaliya ee maanta uu saaran yahay culeeska caburinta waxaana meesha ka baxday xuquuqdii halka taas oo dalka u horseedi karta kacdoon dadweyne.

W/Q: Maxamed Cali Gacal
Muqdisho, Soomaaliya 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid