Trump oo xaqiijiyay geeriday Al-Bagdaadi iyo arrin yaab leh oo uu sameeyey

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa daqiiqado ka hor xaqiijiyey in howlgal qorsheysan oo ka dhacay Dalka Suuriya lagu dilay hoggaamiyihii kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish.

Trump ayaa sheegay inuu Abuu Bakar Al-Bagdaadi isku qarxiyey god uu ku dhuumanayey kadib markii uu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay weerar ku qaadeen.

Trump ayaa sidoo kale sheegay arrin yaab leh oo ah howlgalkaas lagu dilay 3 carruur oo uu dhalay Abuu Bakar Al-Bagdaadi oo godka kula dhuumanayey, isagoo sheegay in Al-Bagdaadi uu soo qabsaday caruurta la orday, kadibna ayaga iyo laba xasaas uu Bagdaadi isku qarxiyey.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in adduunka uu hadda yahay mid amni ah maadaama uu sheegay in la dilay Bagdaadi oo uu ku sheegay inuu ahaa ninkii ugu cadowsanaa adduunyada.

Wuxuu sheegay in howlgalkii lagu qaaday guriga uu ku jiray laga soo badbaadiyey 11 carruur ah sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Waakaladda Wararka ee New York u sheegay in howlgalkaas loo diyaariyey ciidamo gaar ah kadib markii la helay xog ku saabsan meesha uu ku sugan yahay Al-Bagdaadi oo saldhig u aheyd muddo badan.

Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ayaa ku dagay agagaarka meesha uu ku duumanayey Hoggaamiyaha, waxaana la sheegay inuu halkaas ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 5 Saacadood, waxaana la xaqiijiyey in Hoggaamiyaha iyo ilaaladiisa ay sameeyeen iska caabin xoog leh.

Ciidamada Mareykanka ee howlgalkaas ka qey qaatay ayaa la sheegay inay gaarayeen 60 ilaa 70 oo ka kala tirsanaa Ciidamada Delta iyo Rangers oo watay 6 Diyaaradood oo kuwa Helikobtarka oo ay kamid ahaayeen noocaa loo yaqaan AF16.

Saraakiisha Mareykanka ee howlgalka hoggaaminayey ayaa laga soo xigtay inuu is qarxiyey Abubakar Al-Bagdaadi markii ay isku dayeen ciidamada Mareykanka inay u dhowaadaan, isagoo markii horeba dagaalamay, waxaana u xirnaa suunka Qaraxa.

Sidoo kale Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay is qarxiyeen laba Xaas oo uu qabay Hoggaamiyaha kuwaas oo iyagana dagaalka ku jiray kadibna isku qarxiyey Suunka waxyaabaha qarxo lagu xiray oo ay markii hore ugu talagaleen inay isku qarxiyaan markii lasoo weeraro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com