Ciidamada Mareykanka ma dilin Baqdaadi balse sidee ku dhinteen isaga & xaasaskisa

Idlib (Caasimadda Online) – Milatariga Marekanka waxuu sameeyay hawl gal ka dhanka ah hogaamiyaha Ururka isku magacaabaay khilaafada Islaamka Abuubakar Al-Baqdaadi kaasoo lagu dilay hoggaamiyaha sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo qaabkii loo dilay  hogaamiyaha Ururka isku magacaabaay khilaafada Islaamka Abuubakar Al-baqdaadi kadib weerar ay ciidamo gaara oo Mareykan ah xalay ka fuliyeen magaalada Idlib ee dalka Syria.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Waakaladda Wararka ee New York u sheegay in howlgalkaas loo diyaariyey ciidamo gaar ah kadib markii la helay xog ku saabsan meesha uu ku sugan yahay Al-Baqdaadi oo saldhig u aheyd muddo badan.

Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ayaa ku dagay agagaarka meesha uu ku duumanayey Hoggaamiyaha, waxaana la sheegay inuu halkaas ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 5 Saacadood, waxaana la xaqiijiyey in Hoggaamiyaha iyo ilaaladiisa ay sameeyeen iska caabin xoog leh.

Ciidamada Mareykanka ee howlgalkaas ka qey qaatay ayaa la sheegay inay gaarayeen 60 ilaa 70 oo ka kala tirsanaa Ciidamada Delta iyo Rangers oo watay 6 Diyaaradood oo kuwa Helikobtarka.

Saraakiisha Mareykanka ee howlgalka hoggaaminayey ayaa laga soo xigtay inuu is qarxiyey Abubakar Albaqdaadi markii ay isku dayeen ciidamada Mareykanka inay u dhowaadaan, isagoo markii horeba dagaalamay, waxaana u xirnaa suunka Qaraxa.

Sidoo kale Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay is qarxiyeen laba Xaas oo uu qabay Hoggaamiyaha kuwaas oo iyagana dagaalka ku jiray kadibna isku qarxiyey Suunka waxyaabaha qarxo lagu xiray oo ay markii hore ugu talagaleen inay isku qarxiyaan markii lasoo weeraro.

Waxaa kale oo la sheegay in meesha lagu dilay illaa 10 qof oo kamid ahaa ilaalada Hoggaamiye Baqdaadi, inkastoo la sheegay inay badbaadeen laba cunug oo uu dhalay ninkii lahaa guriga ay ku sugnaayeen xubnaha la weeraray.

Ciidamada Mareykanka ayaa qaatay jirka meydka Hoggaamiye Baqdaadi waxaana la xaqiijiyey inuu isaga yahay qofka is qarxiyey maadaama la mariyey baaritaanka DNA.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuuqabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo weerarka lagu dilay Baqdaadi oo uu farriinteeda horey usoo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka.

Ciidamada howlgalka fuliyey ee Mareykanka ayaa kasoo duulay magaalada Irbiil ee Kudiyiinta Ciraaq, waxaana la sheegay in xogta lagu dilay Abuubakar Albaqdaadi uu bixiyey qof u dhow oo sirdoonka Mareykanka la shaqeeyay.

Baqdadi, waa naaneystiisa, waxaana la rumeysan yahay in uu ku dhashay deegaanka Samarra ee Woqooyiga Baqdaad, sanadkii 1971.

Wararka waxay sheegayaan in uu sheekh ka ahaa masaajid ku yaalla Samarra xilligii Mareykanka uu ku duulayay Ciraaq ee 2003-dii.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir ahaa xilligii maamulkii Saddam Xuseen. Qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir noqtay muddo afar sano ah oo uu ku xirnaa saldhigga Bucca, oo ah xero ciidamada Mareykanka ay leeyihiin oo ku taalla Woqooyiga Ciraaq.

Xeradaas waxaa lagu xiri jiray hogaamiyayaasha ururka Al-Qacidda ee dalka Ciraaq.

Markaasi ka dib, wuxuu soo baxay asagoo ah hogaamiye ka tirsan Al-Qaciddada Ciraaq, ka dibna kooxdiisii ayaa la aaminsan yahay inay noqotay ururka la baxay Dowladda Islaamka, sanadkii 2010-kii.

Bishii October ee 2011-kii, Mareykanka wuxuu Baqdaadi ku daray diiwaanka argagixisada.

Wuxuu Mareykanka balanqaaday $25 milyan oo dollar oo abaalmarin ah ooo uu siiyo qofkii nolol ama geeri ku keena Baqdaadi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com