Madaxweyne Saciid Deni oo shaaciyay ‘GUULO uu ka gaaray’ dagaalka Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) ―  Siciid Cabdillaahi Deni, Madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa maanta mar uu hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa waxa uu sheegay guulo badan oo uu Somaliland ka gaadhay intii uu hayey xilka maamulkaasi.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in markii uu xilka la wareegay uu inta u badan deegaanada bariga gobolka Sanaag iyo Buuhoodle uu kala soo wareegay Somaliland.

Deni oo ka jawaabayey su’aalo ay weydiiyen xildhibaaanada golahu, ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa uu qabtay wax la taaban karo mudadii uu hayey xilka ugu sareeya maamulka Puntland.

Waxa uu carabkana ku adkeeyay Deni in maamulkiisi uu ka jira deeganadaasi oo uu ka dhaqan galay dhamaan dhulka Sanaag, wuxuuna yiri “Muddadii aan xilka haynay, dhulka Sanaag waxa Gacanta Puntland soo gashay 99% ka mid ah, marka laga reebo Yubbe iyo inyar oo la mid ah”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa Maanta Wasaaradihii Puntland oo dhami joogaan Magaalada Buuhoodle oo markii aanu Xilka nimid uu khalkhal amni ka jiray iyo Gacan ku haynta Dawladda oo maqnayd”.

Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan waxay isku dagaalan gacan ku haynta deegaanada hoos yimaada gobolka Sanaag barri, taasi oo labada dhinacba ku andacoodan in lagu soo xad-gudbay xuduuda maamuladooda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe