Aqriso: Taariikhda Abu Bakar Al-Baqdadi oo ay ciidamada Mareykanka dileen xalay

Idlib (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas werinaya warbaahinta Mareykanka.

Militariga Mareykanka weli si rasmi ah uguma dhowaaqin geerida Al-Baghdadi, hase yeeshee madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xalay ku yiri “Wax aad u weyn ayaa dhacay goor dhow.”

Waxyar kadib qoraalkaas, ayaa Aqalka Cad waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in madaxweyne Trump uu war weyn shaaca ka qaadi doono 9-ka subaxnimo ee axadda, xilliga saacadda bari ee Mareykanka.

Militariga Mareykanka ayaa habeenkii sabtida ee xalay gobolka Idlib ee dalka Syria ka fuliyey howl-gal qorsheysan oo lagu beegsaday Al-Baghdadi. Howl-galka ayaa waxaa toddobaad ka hor ansixiyey madaxweyne Donald Trump.

Waa kuma?

Magaciisa dhabta ah ayaa lagu sheegay Ibraahim Awad Al-Badri, kaasoo sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad.

Wararka waxay sheegayaan in uu sheekh ka ahaa masaajid ku yaalla Samarra xilligii Mareykanka uu ku duulayay Ciraaq ee 2003-dii.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir ahaa xilligii maamulkii Saddam Xuseen. Qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir noqtay muddo afar sano ah oo uu ku xirnaa saldhigga Bucca, oo ah xero ciidamada Mareykanka ay leeyihiin oo ku taalla Woqooyiga Ciraaq.

Xeradaas waxaa lagu xiri jiray hogaamiyayaasha ururka Al-Qacidda ee dalka Ciraaq.

Markaasi ka dib, wuxuu soo baxay asagoo ah hogaamiye ka tirsan Al-Qaciddada Ciraaq, ka dibna kooxdiisii ayaa la aaminsan yahay inay noqotay ururka la baxay Dowladda Islaamka, sanadkii 2010-kii.

Bishii October ee 2011-kii, Mareykanka wuxuu Baqdaadi ku daray diiwaanka argagixisada.

Markii ugu dambeysay oo uu shaashadaha kasoo muuqdo waxay ahayd horaantii sanadkan 2019-kii. Kahor, markaan waxaa ugu dambeysay 2014-kii.

Sanadkii 2014-kii ayaa waxa uu magaaladda Mosul kaga dhawaaqay aas-aasitaanka Dowladda Islaamka oo ka howlgaleysa qaybo kamida Suuriya iyo Ciraaq. Meelo kale oo dunida Carabta ah ayey kusii baaheen.

Wuxuu Mareykanka balanqaaday $25 milyan oo dollar oo abaalmarin ah ooo uu siiyo qofkii nolol ama geeri ku keena Baqdaadi.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com