Halis kasoo socota heshiis shidaal oo xukuumadda ay bixineyso iyo sir la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Batroolka Jamaal Mursal ayaa shaaciyay in Soomaaliya aysan laheyn awood iyo Sharuucdii caalamiga ee shirkadaha Shidaalka baaritaan uga sameyn lahaayeen dalka Soomaaliya.

Wuxuu Jamaal Mursal dhaliilay hanaanka Shaqaalaha wasaaradda ay ku shaqeeyaan isaga oo sheegay inaysan laheyn tababar iyo aqoon ay gorgortan ku galaan islamarkaana ku galaan saxiixyada caalamiga iyaga oo ilaalinaya maslaxadda dalka.

“Soomaaliya, ma lahan awood iyo shuruucdii ay shirkadaha caalamiga ahi shidaal uga qodan lahaayeen dhulkeeda, heshiis baratan ama laysan bixin ah oo Febraayo sanadka dambe la galaa, waxaa uu keenni karaa dhaawac masaalixda dalka, isla markaana ay cararaan maal-geshedayaasha” ayuu yiri xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Batroolka.

Xoghayaha ayaa soo jeediyay inay wanaagsan tahay in si wanaagsan looga hadlo sharciga batroolka iyo macdanta lana turxaan bixiyo oo aan lagu dagdagin ansixinta sharcigaasi iyada oo aan dhinacyo badan laga eegin.

“Iyada oo aaney jirin sharciga Canshuuraha, waa adagtahay inay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka (IOCs), ay heshiis dheer la galaan Soomaaliya” waxaa yiri Mursal.

Waxyaabaha uu jeediyey Jamaal Mursal waxaa ka mid ah “ In dhammaan sharciyadii hore dib loogu noqdo, loona qabto khubaro aqoon leh oo Soomaali iyo Ajaanib ah, in la sameeyo hey’adda Somali Petroleum Authority(SPA), oo welina hey’addan (SPA) la waafajiyo sharciga canshuurka iyo midka Batroolka iyo Macdanta.

Wuxuu soo jeediyay in la dhiso golaha maamulka Kheyraadka dalka, taasi oo wax badan oo wanaagsan ka shaqeyn doonto.

“7bada Febraayo, waxaan London ku qaban-doonnaa xaflad laysanka lagu siinayo shirkadaha caalamiga ah, waxaana la bixin-doonaa 206 Baloog”, isaga oo intaasi raaciyey in inta xilligaas wixii ka horeeya ay diyaarin-doonaan wixii sharci ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com