Halis ku wajahan Somaliland oo laga digay – Maxay tahay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan cabsi xoogan oo laga qabo roobab daadad wata oo ka da’ay deegaanada maamulkaasi.

Booliska Somaliland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda la saadaalinayo in roobabkaasi ka da’aan guud ahaan deegaanada Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in roobabkaasi ay gaysan karaan waxyeelooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bubur, maadaama ay wataan daadad xoogan

Farriintan oo wargelin ahaan loogu diray shacabka ayaa waxaa looga codsaday inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada, Laagaha , Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah.

“WARGELIN :- Sidaa la socotaan waxa la galay xilli roobaad , iyadoo la sadaalinaayo raxmad badan oo keeni kara waxyeellooyin laga taxadari karo ,  Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada , degmooyinka iyo miyigaba ina ay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah” ayaa lagu yiri farriinta.

Sidoo kale Somaliland ayaa fartay darawallada gaadiidleyda inay muujiyaan feejignaan, ayna yareeyaan xawaaraha ay ku socdaan.

“Waxaannu faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhimaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhuftaan roobabkan oo ay horay digniin uga soo sartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qarana ee SoDMA.