Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa toddobaadkan lasoo gudboonaaday inay mar qura dalka ka wada maqnaadaan Madaxweynaya iyo Ra’iisal wasaaraha arrimo shaqsiyeed dartood, kadibna jagooyinkii ugu muhiimsanaa ee dalka ay gacanta u galaan kusimeyaal.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo caafimaad ugu anbabaxay dalka Jarmalka 12-ki Bishan ayaa muddo laba toddobaad ah la sheegay inuu ku maqnaan doono Yurub. Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sidaasi ku noqday kusimaha madaxweynaha, iyadoo la filayo inay noqoto waqtigii ugu dheeraa ee uu xilkaas ku sime ahaan u hayo.
Kusimaha madaxweynaha wuxuu leeyahay awood madaxweyne oo uu go’aano ku soo saari karo, mana jirto wax ka reebaya inuu tallaabooyin lama filaan ah oo waaweyn ku dhaqaaqo, marka laga reebo inay jirto is afgarad hoose iyo in madaxweynuhu ku kalsoon yahay Guddoomiye Jawaari oo ah nin dowladeed oo aan laga fileyn arrimo khalkhal gelin kara madaxweynaha.
Ku-sime madaxweyne oo xilkaas ka faa’iideystay waxaa laga tilmaami karaa guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka dowladi KMG ahaa ee Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo fadhigeeduna ahaa magaalada Baydhaba Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo xilli ay jagadaas u gacan gashay soo saaray wareegto uu ku dalacsiiyay saraakiil, qaadayna tallaabooyin kale oo taariikhda galay.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid wuxuu 13-kii Bishan socdaal shaqsi ugu anbabaxay dalka Kanada oo dhowaan ay hooyadii ku geeriyootay, isagoo aaskeeda ka qeybgalaya. Arrintan waxay keentay inuu durba kusime Ra’iisal wasaare noqdo Maxamed Cumar Carte oo ah nin siyaasadda ku cusub laakiin saaxib dhow la ah Cumar C/rashiid. Ninkan oo diblomaasiyadda bartay way ku cusub tahay jago sidan u culus, Siyaasad ahaan wax badan lagama yaqaan marka laga reebo inuu aakhirkii 2011-kii ka aasaasay magaalada Hargeysa xisbi la magac baxay DAMAL, xisbigaas oo hore u socon waayay. Somaliland-nimadiisana waxaa la sheegaa inaysan meel dheer jirin.
Ra’iisal wasaaraha CCC ayaa usoo xushay shaqsigan inuu ku xigeen u noqdo, wuxuuna ahaa shaqsiga kaliya ee mar kasta ku jiray liisaskii faraha badnaa ee xukuumadihii uu soo dhisay Ra’iisal wasaaruhu, taasoo loo aaneynayo saaxiibtimo weyn oo ka dhaxeysa labada shaqsi.
Waxaad moodaa in Maxamed Cumar Carte aanay saxaafadu u iftiimin sidii Fowsiyo Xaji Aadan oo kale markii loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda iyo ra’iisal wasaare ku xigeen. Xaaladda uu ku shaqeynayo kusimaha ra’iisal wasaaraha cusub iyo dadka ku xeeran ayaa keeneysa inuusan halis ku noqon karin dowladda Federaalka, laakiin caqabado abuuri karo haddii aysan daacad ka ahayn jagada uu hayo.
Isku soo duub inkastoo halis weyn oo laga digaa ku jirin kusimeyaasha xilalka ugu sareeya dalka xilligan haya, haddana waxaa muhiim ah inaysan xaaladani sii raagin siiba tan Ra’iisal wasaaraha oo howlo badani laga sugayo xukuumadiisa.
Isha: Goobjooge