Halka la geeyey MADAXA saxafigii la dilay ee Jamal Khaashuqji oo la ogaaday

Istanbul (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoonaan karo, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa u sheegay Wargeyska Al Khaleef Online in baaritaanka Turkey soo gabo gabeeyay lagu ogaaday in madaxa Wariye Jamal Khaashuqji loo qaaday Caasimadda Sacuudiga, halka jirka intiisa kale looga tagay magaalada Istanbul.

Ilaha xog ogaalka ayaa intaasi ku daray “Kooxda Baarayaasha Turkey waxay heleen cadeyno xaqiijinayo jirka Jamaal oo la tuuray, laakiin masuuliyiinta Turkey waxay doonayaan jawaab sax ah oo kasoo baxda masuuliyiinta Sacuudiga, si loo kala cadeeyo halka iyo sida loo tuuray”

“Habka loo wareejiyay madaxa Jamaal, kadib markii la dilay lana burburiyay jirkiisa, ma cadda ilaa iyo hadda, ma diyaarad baa lagu qaaday, ma badda la marsiiyay mase gaari dhulka maraya”ayaa laga soo xigtay ilaha xog ogaalka ah.

Waxaa la sheegay in Maher Al-Mutrab, oo waardiye u ah dhaxal sugaha uu ahaa ruuxa ugu muhiimsan ee ka dambeeyay shirqoolka Jamaal Khaashuqji, wuxuu heystaa Baasaboor Diblumaasi ah, waxaana looga shakisan yahay in boorsadiisa lagu qaaday madaxa markii uu ka tagayay garoonka Ataturk ee dalka Turkey, ama diyaaradiisa gaarka ah inay qaaday maxaa sabab la xiriira xasaanadiisa Diblumaasi.

“Warbixinada Turkey helay, ee lala wadaagay hogaamiyaasha caalamka iyo Hay’adaha amaanka qaarkood, waxay ku noqdeen wax ay la yaabaan,laakiin waxaa jiro cadeymo kale oo aan wali lasii deyn”ayaa lagu warbixin laga soo xibtay dad xog ogaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com