Halka sabab ee ugu wacan madax adeegga madaxda maamul goboleedyada

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

MADAXWEYNE GOBOL : MAGAC KHALDAN

Magaca Madaxweyne gobol waa mid lagu khaldamay marki la sameynaayay eray bixinta maamul goboleedyada. Waana arrinta horseeday inay madaxda gobollada ku dhegaan meeshi ay qabsadaan. Ma jiro mid oggol in booska laga beddelo oo qof kale loo doorto, waa haddii waxa dhacaya doorasho lagu sheegi karo. Bal aan meelo kala duwan ka fiirino xaaladaha ay ku sugan yihiin Madaxda Gobollada

AXMED MADOOBE – JUBALAND

Siduu ku yimid booska waa la ogaa iyo doowrki uu ku lahaa M/weyne Xasan Sheikh oo marxalado kala duwan ka soo maray dhidib u aasida Jubaland iyo dhibaatooyinki ka jiray: Maanta waxaa la filaayay inuu M/weyne Axmad Madoobe salligiisa ka laalaabto Kismaayo uu isaga tago kana towba keeno wixi gefaf ka dhacay inti uun jiray maamulkiisa Nasiib darro, weli waa soo taagan yahay wuxuuna u muuqdaa maanta inuu diyaar u yahay in dowladda Somaliya ay dunto ama Kenya dalka oo dhan ama Jubada Hoose ay la wareegto.

Axmad Madoobe cid uu wax u oggol yahay ma jirto, waxaana ka muuqata inuu diyaar u yahay dagaal lagu wada hoobto si aysan doorasho uga dhicin gobolka Jubaland.

AXMED DUCAALE GEELLE XAAF – GALMUDUG

Xaaf waxay ka mareysaa mel ka xun tan heysata Axmad Madoobe. Wuxuu abaabulayaa kulan ay isugu yimaadiin Madaxweynayaasha gobollada oo dhan, haddii laga ajiibo wicitaanka uu isugu keenayo Madaxda Gobollada. Tafaasiil fara badan ee isaga ku saabsan wxaad ka heli kartaa maqaalkii ahaa DHAMBAAL KU SOCDA AXMAD XAAF.

Xaaf wuxuu ku fadhiyaa laan geedkeedi soo dhacay, isagoo mooda inuu meel dheer saaran yahay oon la soo gaari Karin. Ma dareemin weli inuu dhulka soo dhacay uusan meelna saarneyn, cid badbaadi kartana aysan muuqan. Madaxda Ahlu Sunnah iyagaa iskood u yaaban, waxna uma tari karaan haddii ay haddii ay toban jeer doortaan. Madaxweynayaasha uu isugu yeeray nin waliba tiisaa heysata, isutagoodana waxba ma kordhin karo inuu wax halleeyo mooyee. Waxaa jirta xikmad Carabi ah oo dheheysa MAN YARAA NAFSAHO QABLA AN YARAHU NAAS LAM YARAHU NAAS oo micnaheedu yahay NINKI ISAGA IS-ARKA IYADOON DADKU ARAG DADKU MA ARKAAN.

Meesha ay wax ka khaldan yihiin waa inaysan jirin dowlad dhexe oo awood leh oo dareemi karta awooda uu dustuurku siinaayo. Haddaba, waxaan iga talo ah in dib loogu naqdo qab-dhismeedka dowlad goboleedka, lana soo saaro tilmaan-shaqo ( job description) qeexaya awoodaiyo cidda soo dooran karta oon ahayn barlamaan ku-sheeg ay igayu soo xuleen iyo guddiyo aan wax awood ah ku lahayn maamulka gobolka kuwaasoo shacabka laga soo xulay isuna beddeli doona barlamaan.

Shariif Xasan oo ahaa ninka ugu khatarsan xagga isdaba mariska soona xulay barlamaanka Koofur-Galbeed si ay u doortaan, balse Ayaan darro ka daba timid, kaddib markii awood isaga ka weyn uusan wax ka diidi Karin ay kula talisay inuu isaga tago intey gtoori tahay, waana qaatay taladi isagoo hercad ka dhoofay boqortooyadi uu dhistay.

Damaca madaxweynayaasha gobollada waxaa xoojinaya karti darrada dowladda dhexe oon weli awood u lahayn inay ka hadasho dhibaatooyinka ka heysta xiriirka gobollada, waayoo waxay adeegsataa dad aan aqoon waafiya u lahayn maul dal weyn oo Somaliya oo kale ah. Waa xukuumad aan ka hadli Karin si tifaftiran howlaha kala dhexeeya madaxda gobollada iyo xuduuda ay cid waliba dhaafi Karin, waa haddii cid garaadkeedu gaarsiisan yahay dalka loo doorto.

Xukuumadda manta jirta waxay ka cabsanaayaan xataa inay ka dhiidhiyaan kana jawaabaan tallaabooyinka is-xigxiga ee ku saleysan daan-daansiga Kenya  iyo falalka gurracan ay caadeysatay, kaddib markii ay weysay cid iska celisa. Waryaa Farmaajo iyo Kheyre u raadiya cid kala talisa hab-dhaqanka diplomasiyeed iyo maamulka danaha dalka Somaliya oo maraaya marxaladi ugu xumeyd ee dal gaaro, marka laga reebo dagaalki sokeeye.

Intaa oo dhan waxaa ka sii khatarsan inay madaxdweynaha iyo R/wasaaraha ay iyagu isla fiican yihiin oo isu heysta inay dalka meel fiican gaarsiiyeen.  Waryaa u sheega inuu soo socda Fu’aad Shongole uu khubadihiisi ka billaabi raboo masaajidka Bakaraha oo xoog looga saaray xilligi Sheikh Shariif.

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid