Maxaa ka qaldanaa oo lagu qoonsaday warqadii kasoo baxday Mahdi Maxamed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa aad u dhalleeceeyey warqad kasoo baxday ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo lagu mamnuucay qashin la sheegay in lagu shubi jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warqadda ayaa lagu sheegay in ay soo baxday kaddib markii ay kordheen walaaca laga qabo qashinka ku sii kordhaya gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxaana warqaddan lagu amray Wasaaradda Gaadiidka, Amisom iyo Qaramada Midoobey xafiisyadooda in ay u hoggaansamaan.

Hoos ka aqriso qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigay facebook oo uu ku dhaliilay Khadar.

Hoggaanka talada haya inta badan dadku waxay ka fishaan fogaan arag, hal abuur siyaasadeed iyo karti arrimaha murugsan lagu xaliyo. Markaad isku eegto mushkiladaha gudaha iyo kuwa debeda ee dalkeena haysta, aadna dhagaysto fariintii uu Madaxweynuhu munaasabada Ciidii shacabka u jeediyey iyo qoraalkan uu raysalwasaare xiggeenka koowaad kaga hadlayo hawlo qashin qaadis, iyadoo ay jiraan hay’ado badan oo ka xigsan kara, waxaa kugu soo dhacaya halkii uu Cismaan Askari (AUN) lahaa

“Maskaxdaa laga abaaroo bayee
Ninka ugu il dheerbaa, dadka ugu ayaan daran
Waxaan lala arkayn baa, isaga uun u muuqdee “.