Wararkii ugu dambeeyey ee xariga Ibraahim Dr. Bursaliid iyo qorshe ka socda Nairobi

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed, kaasoo habeen hore lagala baxay hoyga uu ka degan yahay Caasimada dalka Kenya.

Sida wararku sheegayaan, durba waxaa la qabtay qareeno Difaaca Aqoon yahanka, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Jimcaha beri Maxkamad la soo taagi doono, taasoo qaadeysa dacwado la sheegay iney Kenya ku soo oogtay.

Wali si dhab ah dibadda ma aysan ugu soo bixin Dacwada iyo waxa ay salka ku heyso, waxaase jira tuhuno la xiriirta hadalo hore uu u jeediyay Dr. Bursaliid oo Kenya qoonsatay, taasoo ah mida soo dadajisay in xabsiga ay dhigto.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ay saaxiibo dhaw yihiin ninka xiran, ayaa sharci darro ku tilmaamay in makamad la’aan uu xabsi isaga jiro Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid wax ka badan 24 Saacadood, iyadoo aaney wax Maxkaamd ah la soo hor istaajin, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in dib uu xoriyadiisa u helo.

Si kastaba, Bursaliid  oo barre ka ahaa Jaamacadda Nairobi, ayaa ah  nin ka faalooda arrimaha Siyaasada ee geeska Afrika.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com