DF oo u yeertay odayaasha beelaha Jubaland iyo beelo cadeeyey go’aankooda (Xog)

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ugu yeertay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degaanada Maamulka Jubbaland, gaar ahaan hoggaanada dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka cusub ee dowlad gobaleedka Jubbaland.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa casuumaad aan rasmi aheyn u fudisay dhaqanka iyadoo u martay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo la dhacsan Xukuumadda kana soo horjeeda hoggaanka Axmed Madoobe.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in inta badan ay odayaasha dhaqanka diideen caasuumaadda uga timid dowladda federaalka Soomaaliya ayna dalbadeen in loogu yimaado magaalada Kismaayo, si looga wadahadlo tabashooyinka ay dhinacyada Jubbaland iyo dowladda kala qabaan.

Warar kale ayaa sheegaya in qaar kamid ah odayaasha ay ogolaadeen balse ay ka fikirayaan sidii ay ku soo bixi lahaayeen iyo sidii ay Kismaayo dib ugu laaban lahaayeen hadii ay la kulmaan xukuumadda Soomaaliya iyagoo ka cabsi qaba Maamulka Axmed Madoobe.

Beelaha diiday islamarkaana Caasimada Online la wadaagay xogtaan waxaa kamid ah Beesha Cowrmale oo ka tirsan beelaha ugu saameenta badan Kismaayo, waxaana Senator u ah Mudane Iftin Xasan Baasto oo mucaarad weyn ku ah Dowladda Soomaaliya sida uu meelo badan ka sheegay.

Xubno ka tirsan Beeshaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xukuumadda ay u soo dirtay mas’uuliyiin aysan noo sheegin magacyadooda balse ay diideen caasumaadaasi loo fidiyay.

“Dad kamid ah beesha ayey noo soo direen waana ka diidnay marti qaadkooda oo aan danguud aheyn mana yeeleyno in la bur buriyo Jubbaland sidii Galmudug” ayuu yiri qof kamid ah dadkii aan la hadalnay ee kamid ah Beesha Cowrmale oo marti qaadka diiday.

Kaliya ma ahan Beeshaan waxa marti qaadka diiday waxaase jira beelo kale oo naga dalbaday in aan adeegsanin magacyada nabadoonada ama beelaha ay mataalaan. Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka fikireysa qorshe kale oo ay ku meel mariso go’aanadeeda ku aadan xaaladda Jubbaland iyo doorashada sanadkaan dhamaadkiisa ka dhacaysa Jubbaland.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com