Somaliland oo maalinta 5-aad Xabsi ku heysa gabar taageertay dowladda IRAN

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada booliska Somaliland ay xabsiga dhigeen Isniintii lasoo dhaafay Gabar taageertay dowladda Iran.

Gabadha ayaa muujisay sida ay u taageersan tahay dowladda Iran, iyadoo dhaleeceysay dowladda Mareykanka iyo maamulka Yahuuda oo xiriir aan wanaagsaneyn uu kala dhaxeeyo dowladda Iran.

Todobaadkii hore waxaa taagnaa xiisadda u dhaxeysa dowladaha Mareykanka iyo Iran, waxaana gabadha ciidamada Somaliland ay xireen xiligaasi ay ka hadashay aragtideeda iyo taageerada ay la garab taagan tahay dowladda Iran.

Baraha Bulshada ee ay adeegsadaan dadka ku sugan Somaliland ayaa waxaa is qabsaday dooda ka dhalatay xariga Haweeneyda, waxaana la ogeyn sababta qof aragtideeda cabiray xabsiga loo dhigay.

Axmed Aadan Rooble oo ay walaalo yihiin Safiye Aadan oo xabsiga la dhigay ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay markii ay maqleen walaashood oo ka hadashay arimo ka duwan kuwa gudaha Somaliland oo xabsiga la dhigay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in walaashood Safiya mar ay xanuun dhanka maskaxda qabtay, balse markii la xerayay ay aheyd qof caruurteeda la joogta.

Safiya Aadan Rooble ayaa Axadii ka soo muuqatay Warbaahinta Somaliland, iyadoo shir jaraa’id ku qabatay Hargeysa, waxeyna xiligaasi eheyd qof xiran Niqaab.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com