Halke ayuu ku danbeeyey hankii Turkey-ga ee ka mid noqoshada Midowga Yurub?

Jamhuuriyada Turkey-ga waa dal kuyaala goob muhiim ah iskuna xira qaaradda Aasiya iyo Yurub. Dadweynaha Tukey-ga waxaa lagu tiriyaa inay yihiin bulsho leh ilbaxnimo aad u dheer oo ay ugu horeyso wax soosaarka beeraha, gaadiidka kala duwan, dhismaha, qalabka militariga, dharka iyo xirfadleyaal gacanta ah oo kasoo shaqeysta wadamada kale.

Wadanka Turkey-ga wuxuu waqtidheer xusulduub xoogan ugu jiray sidii uu uga mid noqon lahaa Midowga Yurub oo ah dalad ay ku mideysan yihiin dalal kuheshiiyey qodobo ay kamid yihiin siyaasadda, dhaqaalaha iyo isku socodka dadka. Ololaha uu Turkey-ga ku doonaayo inuu kaga mid noqdo Midowga Yurub ayaa soo bilowday 2005-kii, taasoo uu horboodayey xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka (AK Party).

Wadahadaladii adkaa ee labada dhinac ay galeen waxaa Turkey-ga lasoo hordhigay 35 cutub ama sharuudood oo ay tahay inuu Turkey-ga soo buuxiyo si uu ugu guuleysto kamid noqoshada Midowga Yurub, sharuudahaas oo aan kugaar aheyn Turkey-ga laakiin ay tahay inuu kasoo gudbo wadan walba oo doonaya kamid noqoshada Midowga Yurub. Turkey-ga ayaa mudadii ay xowliga kusocdeen wadahadalada labada dhinac kuguuleystay inuu kasoo gudbo 10 kamid ah cutubyadii ama sharuudihii laga doonayey.

Qodobadda la isku fahmi waayey waxaa kamid ahaa:

  • Arrinta waqooyiga dalka Cyprus ama Qubrus halkaas oo ay kunool yihiin bulsho asal ahaan kasoo jeeda Turkey-ga, taasoo sababtay in militariga Turkey-ga howlgal balaaran kula wareego sannadkii 1974-kii kadib xasilooni daro siyaasadeed, ayagoo sida ay sheegeen difaacaya rabitaan bulshadaas reer Turkey, arrintaas oo sii xumeysay xiriirka Turkey-ga iyo Greece oo ay asal ahaan ay kasoo jeedaan mujtamaca ugu balaaran ee dalka Cyprus. Midowga Yurub ayaa kucaadinaayey Turkey-ga inuu aqbalo inay ciidamadiisu kabaxaan waqooyiga Cyprus islamarkaana lagu daro dalka intiisa kale wallow uu Turkey-ga kabiyo diiday soojeedintaas.
  • Hab- maamul dowladnimo oo ku dhisan dimuquraadi oo ka hana qaada Turkey-ga: Tan iyo markii uu xisbiga haatan talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka lawareegay talada dalka waxaa jiray dareen weyn oo kadhex dhashay Turkey-ga iyo Midowga Yurub kaasoo salka ku hayey in xisbigan uu yahay muxaafid ku adag diinta Islaamka. Arrintan ayaa keentay inay dhinacyadu isku maandhaafaan micnaha iyo astaamaha dimuquraadiyadda.
  • Dhowrista xaquuqul insaanka: Turkey-ga oo ah dal wali la daalaa dhacaya saameynta dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo marar badan geystay weeraro aan meel dayasho laheyn sida weerarada ururka Kurdistan ee PKK, ayaa keena in ay dowladda Turkey-ga qaado falcelin iskugu jirta baaritaan dhanka guryaha, xarig iyo hawlgalo milatari oo ka dhaca gudaha iyo dibadda dalka taasoo lagula kaco dadka lagu tuhmo inay gacansaar la leeyihiin ururkaas. Midowga Yurub ayaa falcelinta dowlada u arka mid xad dhaaf ah islamarkaana dhaawaceysa xaquuqul insaanka halka Turkey-ga sheeganayo inay tahay arrin amni oo ay xaq u leeyihiin gudashadiisa.
  • Kudhaqanka sharciga: Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey waxkabadalka dastuurka Turkey-ga ee awoodaha badan gacanta ugu riday madaxweyne Erdogan, halka dhanka Turkey-gu aaminsan yihiin in waxkabadalkaani kuyimid afkaarta dadweyne iyo rabitaan shacab.

Aragtida kala duwan ee xisbiyada Midowga Yurub

Xisbiyadda siyaadda ee ka dhisan dalalka ku bahoobay Midowga Yurub ayaa ku kala aragti duwan arinta Turkey-ga ee kamid noqoshada ururka. Tusaale, xisbiyadda midigta dhexe oo ah xisbiyo afkaar adag laguna tiriyo muxaafidiin ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda in Turkey-ga kamid noqdo Midowga Yurub halka xisbiyada dhanka bidix ay taageersan yihiin in Turkey-ga loo ogolaado kamid noqosho buuxda ama mid qeyb ahaan ku xadidan qodoba hoose:

  1. Iskaashi dhaqaale iyo mid amni oo dhexmara labadda dhinac
  2. Xubin sharafeed aanan codeyn, talobixin iyo matalaad buuxda ku laheyn ururka dhexdiisa.

Turkey-ga ayaa ku gacan seyray soo jeedinta labadaan qodob, asagoo dareensan inaan dowladaha soo codsada kamid noqoshada Midowga Yurub si cadaalad ah loogu xaqsoorin , taasoo lagu tusaaleyn karo sida wadanka Croatia oo kamid ahaa Midowga Soviet-kii burburay oo ay isku waqti 2005-kii bilaabeen ololaha raadinta kamid noqoshada Midowga Yurub uu ugu danbeyn 2013-kii ku guuleystay inuu kamid noqdo ururka, taasoo Turkey lama filaan ku noqotay kuna kaliftay inuu dib uga fakaro arrinta Midowga Yurub.

Fursadahii badalay aragtida Turkey-ga

2008-dii waxaa caalamka aad u saameeyey hoos u dhac dhaqaale gaar ahaan wadamada reer galbeedka oo bangiyadda udub dhexaad u yihiin dhaqaalahooda. Lagasoo bilaabo 2002-2011-kii Turkeyga waxuu ku naaloonayey kobac dhaqaale oo gaaraya 7.5 %, halka dhigooda Yurub ay dagaal kula jireen sidii ay u samata bixin lahaayeen wadamadii ay sida xoogan u saameeysay hoos u dhaca dhaqaale. Turkey ayaa is-tusiyey inaysan dhankooda ka jirin baahidii weyneyd ee ay u qabeen Midowga maadaama Yurub ay xal u la,dahay dhibaatooyinka kadhexjira.

Dagaalkii ka qarxay dalka Syria ayaa abuuray qaxooti farabadan oo usoo cararay dalka Turkey-ga oo xuduud la leh Syria. Qaxootigan oo cadad ahaan lagu qiyaaso in kabadan 3-milyan ayaa kadib bilbaabay inay ka talaabaan Turkey-ga si ay u gaaraan wadamada Yurub ee ay tuhmayaan nolol wanaagsan. Firdhadka qaxootigan ayaa marqura kawada dhawaajiyey Yurub inteeda kale kuna qasbay inay xal u helaan arrinta ayagoo u maraya dalka marinka 1aad u ah ee Turkey-ga.

Turkey-ga ayaa markaas fursad gor-gortan ka dhex arkay arrinta qaxootiga, asagoo Midowga Yurub ku caadaadiyey inay la qeybsadaan culesyka qaxootiga kusugan gudaha dalkiisa si loo xadiddo dhaqdhaqaaqa qaxootiga. Wadahadaladaan ayaa sawir ahaan soo bandhigay laba dhinac oo kala madax-banaan oo ay ka dhexeyso isku daneysi iyo wax wada qabsi ayadoo ay dhinacyadu siman yihiin, taasoo caalamka tusisay in Turkey-gu waxka badalay dabacsanaantii iyo doonistii Midowga Yurub.

Dhaqaaqyada Turkey-ga ka bilaabay dibadda

  • Kadib kacdoonkii gu’ga Carbeed iyo qilaafkii kadhex aloosmay wadamada Khaliijka, Turkey-ga waxuu garab istaag xoogan oo iskugu jira dhoofinta dalaga beeraha iyo mid ciidan u muujiyey dalka go’doonka dhulka iyo cirka lagaliyey ee Qatar.
  • Turkey-ga ayaa sidookale saldhig tababarka militariga ee TURKSOM ka furay Geeska Africa gaar ahaan dalkeena Soomaaliya.
  • Turkey-ga ayaa gacan buuxda oo dhanka militariga ah siiyey dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee dalka Libya oo qarka u saarneyd in lagala wareego xarumaha ay ku shaqeynayeen.
  • Gulufkii xoogaanaa ee Turkey-gu ku qaaday kooxaha Kurdiga kusugnaa Syria ee taageerada ka heliyey dowlada Mareykanka oo muujisay hal adeyga Turkey-ga iyo sida uu u wajahay cadaadiska kaga imaanayey dowladaha ku bahoobay ururka NATO.
  • Turkey-ga ayaa door muhiim ah ku lahaa shirarkii is-xigay ee ay iskugu yimaadeen wadamada Russia iyo Iran ee looga arrinsanay dalka Syria, iyo doorkiisii samata bixinta kooxihii mucaaradka hubeysnaa iyo qoysaskoodii.
  • Isku soo dhawaanshihii Turkey-ga iyo Rushka iyo rajada kamid noqoshada Turkey-gu ee Ururka Iskaashiga Shanghai oo meel fiican maraya.
  • Kadib heshiiskii Badda ee Turkey-ga iyo dowlada Libya garabka Tripoli, Turkey-ga ayaa durbadiiba bilaabay sahmin shidaalka kujira badda Mediterranean-ka arintaan oo ay marqura kawada qeyliyeen wadama Masar, Greece, Israel iyo Cyprus, taasoo horseeday in Turkey-ga iyo Greece ku sigtaan inay gacanta iskula tagaan.

Marka la iskuwada geeyo dhamaan qodobadaan, waxay sare u qaadayaan meeqaamka awoodeed ee dalka Turkey-ga, taasoo soo bandhigaysa in Turkey-gu yahay ciyaaryahan muhiim ah oo ay tahay in wax laga weeydiiyo arrimaha dalalka uu kulug-leeyahay. Tilaabooyinkaan waxay Turkey-ga u abuureen saaxiibo cusub sidookalena u horseeday kala fogaansho Turkey-ga iyo saaxiibadiisii hore, ayagoo Turkey-ga xiligan u arka inuu isku badalay wadan seef la bood ah oo gacan kahadalka military kahormariya diblomaasiyadda.

Gunaanad

In kasta oo aysan wali dhiman rajadii Turkey-ga ee kamid noqoshada Midowga Yurub, hadana ma muuqato ifafaalo muujinaysa wadahadalo miradhal ah oo ay galaan labada dhinac, waxaana cad inay waqtigan siikala fogaadeen dhinacyada ayna adkaaneyso sidii loo abuuri lahaa kalsoonidii hore.

Hamdi Wardhere Mohamed –  Waxaad kala xiriiri kartaa Facebook: Xamdi Wardheere, Gmail: Zudeys9@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid