DF Somalia ‘oo tallaabo ka qaadeysa’ dadka garsoorka u doonta kooxda Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa markale soo saaray digniin ku socota dadka garsoorka u doonta kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyada oo amaro cusubna dul dhigtay.

Taliska ciidamada booliska ee degmada Baardheere, Cabdi Sheekh Xasan Cilmi ee gobolka Gedo ayaa ka digay in loo xukun doonto maxkamadaha Shabaabka oo ku sugan dergaano ka tirsan gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in loo xukun tago Shabaab oo sanado badan ay dagaal  iskula jiraan dowladda.

Sidoo kale waxa uu xusay in cidkasta oo gees marta digniintan oo u xukun doonata kooxdaasi ay u aqoonsan doonaan inay la shaqeeyan argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuun ku tilmaamay dadka xukunka u doonta inay la mid yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay qeyb ka noqonaya dagaalka ay ku beegsanayaan maleeshiyadaasi, isagoona carabaabay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan cidkasto oo u xukun doonata.

Digniintan ayaa imaneysa xili ay soo baxayso in dad badan oo ku sugan deegaanada ay gacanta ku hayso dowladdu ay garsoor u doontaan deegaanada ay maamulan dagaal-yahanada Shabaabku.

Mana aha digniintii u horeysay ee loo soo jeediyay dadka u xukun doonta Shabaabka, iyada oo dhowr jeer oo hore amaro ka dhan ah arrintaasi ay go’aano ka soo saareen waaxda garsoorka dalku.