Qarax khasaare geystay oo ka dhacay AFGOOYE iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolkaas, kaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay bar koontarool aoo ay ciidamada milatariga Soomaaliya ku leeyihiin halka loo yaqaano baar Ismaaciil.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa labo qof oo kala ahaa darawal mooto Bajaajle iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa xiray aaga meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano la xiriira qaraxaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamniga iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan iyo qaraxyo ka fuliso gudaha magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.