‘Xilliga la sii deynayo’ Abuu Mansuur oo la sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Xisbiga Amniga iyo Cadaalada oo ah xisbi uu hogaamiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta sheegay in Abuu Mansnuur la sii deen doono wixii ka dambeeyo 7-da Bisha 2-aad ee sanadka 2021-ka, xiligaas oo ku eg muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen.

Yuusuf Xasan Mursal, oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbigaasi ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu xiran yahay arrimo siyaasadeed oo u gaar ah Madaxweyne Farmaajo islamarkaana markii uu dhamaado muddo xileedkiisa la siin doono.

Yuusuf ma uusan shaacin waxa ay yihiin arrimahan siyaasadeed.

“Abuu Mansuur qofna kama warqabto, mobile looma ogola, looma tagi karo waxaa afduub u heesta dowladda federaalka balse maalin kadib markii uu dhamaado waqtiga madaxweyne Farmaajo xabsi kuma sii jiri doono,” ayuu warbaahinta u sheegay mudane Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Abuu Mansuur ee amniga iyo cadaaladda.

Yuusuf Xasan ma uusan sheegin waxa dhici doona haddii madaxweyne Farmaajo dib loo soo doorto, taasi oo ah arrin aad u suurta-gal ah, haddiiba ay sax tahay in sii-daynta Roobow ay ku xiran tahay in madaxweyne Farmaajo meesha ka baxo.

Abuu Mansuur ayaa waxaa laga soo xiray magaalada Baydhaba bishii December 2018, kadib markii uu diiday dalab kaga yimid dowladda federaalka oo ahaa inuusan isku sharxin madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xisbiga Aamniga iyo Cadaaladda ee uu hoggaamiyo Abuu Mansuur ayaa maanta helay shahaada kumeel gaarka ah kadib muddo sanad ah loo diidanaa qaadashada shahaadadaasi, waxaana sababta diidmada lagu sheegay arrimo la xiriira Abuu Mansuur.