CAYNTE: Ethiopia waxay dhadhamineysa dawadii ay u qortay Soomaaliya oo kale

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in Ethiopia ay hadda dhadhamineyso dhib la mid ah kii ay muddo la dooneysay Soomaaliya ee federaalka.

Ethiopia ayaa waxaa hadda ka taagan khilaaf laga cabsi qabo inuu sababo in dalka kala go’o, kaasi oo u dhaxeeya qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee federaalka.

“Hab u muuqda mid is burinaya, Ethipia oo sanado badan u ololeyneysa, welibana xitaa dhiir-gelineysay hanaan federal oo dabacsan oo ka hirgala Soomaaliya, waxay hadda dhadhamineysaa dawadeeda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caynta oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.

“Xiriirka oo ay isku gooyaan [dowladda] dhexe iyo dowlada goboleedyada waa wax caadi ah ka ah Soomaaliya, waxayna dhowaan mid xaqiiq ah sidoo kale ka noqon kartaa Ethiopia.”

Xildhibaanada baarlamanka Ethiopia ayaa u codeeyey in dowladda ay xiriirka u jarto hogaamiyayaasha gobolka waqooyi ee Tigray, kaasi oo qabtay doorasho uusan raali ka ahayn ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Dhankoodana, shalay ayaa xubnaha xilalka ka haya dowladda dhexe ee kasoo jeeda Tigrayga waxaa dhamaantood lagu amray inay iska casilaan xilalkaasi, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin xildhibaannada deegaankaasi ka soo jeeda ee ku jira federaalka.

Xiisadda labada dhinac ayaa salka ku haysa doorashooyinkii guud ee federaalka Ethiopia ee lagu waday inay dhacaan bishii August balse uu dib u dhigay Abiy Ahmed oo qiil ka dhiganaya cudurka Coronavirus.

Tallaabada ay qaadeen TPLF iyo jawaabta baarlamanka Ethiopia ayaa laga cabsi qabaa inay dedejiso burburka Ethiopia iyo in gobolka Tigray uu ka go’o dalka intiisa kale.