DF oo wax ka beddeshay heshiiskii Turkiga ee dekeda Xamar kuna soo koobtay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub la saxiixatay shirkadda Albayrk ee maamusha dekedda weyn ee Muqdisho, taas laga leeyahay dalka Turkiga.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goobjoog ka ahaa halkii maanta lagu kala saxiixanayey heshiiskaas oo ku eg 5-ta sano ee soo socota.

Bishii October ee sanadkii 2014-kii ayey shirkadan heshiis la saxiixatay dowladda Soomaaliya, balse waxaa la sheegay in heshiiskaasi uusan u dhameyn habraacyada lagu maamulo dekedaha caalamiga ah.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyey heshiiskii 2014-kii ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Albayrk ee ku saabsanaa howlgelinta dekedda Muqdisho iyo ballaarinteeda.

Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5-sano oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo mudada dheer ee ka hartay heshiiskii hore ee 20-ka sano ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaaro qorshaha ballaarinta dekedda iyo hannaanka howlgelinteeda.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa hadda kadib korjoogteyn doonta, isla markaana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobada lagu heshiiyey, sida lagu cadeeyay heshiiska cusub.

Heshiiskan cusub waxaa dowladda Soomaaliya u saxiixay sii-hayaha wasiirka wasaaradda dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys, halka shirkadda Albayrak ee laga leeyahay dalka Turkiga uu u saxiixay Ahmet Sami Isler  iyo Fehat Akkaya.