Halkee ayaa la geeyay C/raxmaan C/shakuur gacan ku dhigistiisa kadib (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay ciidamada dowladda Somalia, ayaa waxa ay xalay  weerar abaabulan ku qaadeen hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa waxa ay weerarkan qaadeen xili uu hoygaasi ku sugnaa Siyaasiga uu bartilmaameydku ahaa.

Ciidamada ilaalada u ah Siyaasiga ayaa iska caabin ku sameeyay ciidamada oo ahaa kuwo aad u badnaa, waxaana halkaa ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 40 daqiiqo oo xiriir ah.

Howlgalka oo saqdii dhexe ee Xalay dhacay, ayaa sas iyo argagaxba ku riday qoysaska ku dhaqan dhismooyinka ku dhow dhow hoyga la weeraray.

Inta uu howlgalka socday ciidamada ayaa jaray gabi ahaan isku socodka iyo gaadiidka eeryada Garoonka Aadan Cadda iyo dhammaan waddooyinka gala Xaafadaha.

Wararka, ayaa sheegaya in iska horimaadkaasi uu ku dhaawacmay C/raxmaan C/shakuur, inkastoo aanay weli arrintaasi wax war ahi ka soo saarin hay’adaha amniga.

Siyaasiyiin ku dhow dhow C/raxmaan C/shakuur ayaa intooda badan aaminsan in Siyaasiga ay xabad uga dhacday Xusulka, inkastoo aan la xaqiijinkarin.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta aan dhacdadaan ka wareysanay ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Siyaasiga la geeyay Xarunta weyn ee Hay’adda Sirdoonka Somalia, halka qaarna ay sheegayaan in la geeyay Xarunta Jilacow oo iyana ka tirsan isla Hay’adda Sirdoonka.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Siyaasiga halkaa loo qaaday saacad kadib markii uu dhaawiciisa yaalay Hooygiisa oo weerarka lagu qaaday, waxaana jira warar hoose oo tibaaxaaya in loo diiday in la geeyo Xarun Caafimaad balse dhakhaatiir loogu geeyay halka uu ku sugan yahay.

Saraakiisha dowladda Federalka Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka qorsheysan ee xalay lagu qaaday hoyga C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Weerarkaan xalay lagu qaaday hoyga C/raxmaan C/shakuur ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo shalay Xeer ilaaliyaha Qaranka uu laba Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Shacabka ku eedeeyay inay yihiin qaran dumis, islamarkaana dowladda Shisheeye ay ka soo qaateen lacago, inkastoo mid ka mid ah Xildhibaanadaasi uu beeniyay arintaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com