Arrin cusub: Koox dil qorsheysan la damacsanaa Erdogan oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Giriiga ayaa gacanta ku dhigay Koox isku diyaarineysay inay toogasho ku dilaan Madaxweynaha Turkiga Rrdogan intii uu ku sugnaa Greece.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska To Vima ee dalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxdan ay ahaayen shabakad loo diyaariyay inay dilaan Erdogan.

Kooxdan dilka qorsheyneysay ayaa la sheegay in tirro ahaan ay ka koobnaayen 9, isla markaana ay ka tirsanaayeen Xisbiga Kacaanka ee magaciisa loo soo gaabiyay DHKP-C.

Kooxdan ayaa dilka Erdogan u adeegsan lahaa sida uu qoray Wargeyska To Vima hubka noocyada culus sida Basuukayaal, Bam gacmeedyo iyo Hub kale oo awood leh.

Kooxdan ayaa la xaqiijiyay in weerarka ay ka geysan lahaayen laba dhinac oo ay kaga qaadi lahaayen Gaadiid galbineysay Erdogan.

Sarkaal u hadlay ciidamada amaanka Greece ayaa sheegay in iminka ay ku howlan yihiin qorshaha lagu soo qaban lahaa Hubka loo isticmaali lahaa weerarka ka dhanka ah Erdogan.

Dhinaca kale, Kooxdan weerarka qorsheyneysay ayaa kasoo jeeda dalka Turkiga, waxaana loo adeegsan jiray fulinta weerarada qorsheysan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com