Maxey DF uga dhigan tahay weerarkii C/raxmaan C/shakuur ee dhiiga ku daatay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa habbeenimadii xalay weerar qorsheysnaa oo dhiig ku daatay ku qaaday Hooyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur, ayaa lagu weeraray Hoygiisa oo ku yaala Degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka Garoonka Aadan Cadde, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ciidamada ay kolkii dambe la wareegeen Hoyga.

Wararka, ayaa sheegaya in iska horimaadkaasi uu ku dhaawacmay C/raxmaan C/shakuur, inkastoo aanay weli arrintaasi wax war ahi ka soo saarin hay’adaha amniga dowlada Somalia kadib markii ay waxyeelo kasoo gaartay dhanka xusulka gacanta.

Dowlada Federaalka oo iminka dhameysaneysa sanadka koowaad ayaa waxa uu weerarkaas uga dhigan yahay mid lagu qaboojinaayo kacdoonka ay wadaan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Weerarkan ayey dowladu rumeysan tahay in cabsi galin ay u tahay kuwa mucaaradka ah ee aadka u dhaliila howlaha dowlada waxaana arrintaan talo ku leh Siyaasiyiin iyo Saraakiil xilal ka haya dowlada oo ku dhow dhow C/raxmaan C/shakuur.

Dowlada oo ku dhiiran weli Xildhibaanada BFS ee xasaanada leh ayaa talaabadaasi tusaale uga dhigeysa si waxbadan looga bedelo faragalinta ay mucaaradka ku hayaan dowlada.

Sidoo kale, dadka qaar ayaa rumeysan in dowlada Somalia ay ku degdegtay talaabada lagu weeraray Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, iyadoo la heli karo in looga yeero Maxkamada dalka iyo Xarumaha waaweyn ee Hay’adaha amaanka.

Geesta kale, waxa ay talaabadan qalqal galineysaa Kooxaha mucaaradka ku ah dowlada ee aadka uga soo horjeeda howlaha ay wado dowlada, waxaana xusid mudan in weerarka uu ku daatay dhiig.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com