Halkee ayaa lagu qabanayaa doorashada kuraasta Gedo?

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyey in muddo labo toddobaad gudahood ay ku qabanayaan doorashada 16-ka kursi ee u danbeysa kuraasta Jubbaland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraastaas ayaa ah kuwa u astaysnaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey, balse warqadda guddiga meelna loogama xusin goobta lagu qaban doono kuraastan.

Kuraastaan ayaa muddaba waxaa ka taagnaa muran u dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo, waxaana hadda soo baxaya khilaaf hor leh oo ka taagan halka lagu qabanayo doorashada kuraastan.

Waxaa jira warar aad la’isula dhexmarayo oo sheegaya in Jubbaland ay qorsheynayso in doorashada kuraastan ku qabato meel aanan Garbaaharay ahayn, waxaana si gaar ah loo qeexay Ceelwaaq.

Guddiga doorashooyinka heer federal oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan khilaafkan ku aaddan goobta lagu qabanyo kuraasta Gedo.

Dhinaca kale maamulka gobolka Gedo ayaa shaacintii 16-ka kursi ka dib dhankooda sheegay in ay qabanayaan dhammaan doorashada 43-da Xildhibaan ee matalaya Jubbaland kuna qabanayaan magaalada Garbahaarray iyagoo sheegay in maamulka Juballand ee Axmed Madoobe uu hoggaamiyo uu ku guuladarraystay qabashada doorasho hufan.

Doorashadan ayuu maamulka Gedo sheegay in lagu qabanayo Garbahaarray “si waafaqsan heshiiskii doorashada ee 17-kii September”.

Doorashada Soomaaliya oo dhowr jeer dib u dhacday oo haatan lagu waday in la soo gebogabeeyo 15-kii bishaan Maarso ee aynu jirno ayaa waxyaabaha ragaadiyey waxaa ka mid ah khilaafka ka taagan kuraasta taal magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

Doorasho ma ka dhici kartaa gobolka Gedo?

Illaa hadda waxaa la doortay inta badan kuraasta labada aqal ee baarlamaanka, waxaana dhiman tiro aad u yar.

Si loo dardargeliyo doorashada, waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xildhibaannada Golaha Shacabka, hasayeeshee waxaa hadda muuqata in caqabadi ka jirto magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Degmada keliya ee ay Jubbaland gacanta ugu hayso ayaa ah magaalada Ceelwaaq, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada AMISOM ee Kenya ka socda.

Odayaasha dhaqanka Gedo iyo waxa ay kala kulmeen R/W Rooble

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo ayaa mar sii horeysay oo la kulmay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa ay kala hadleen arrimo khuseeya gobolkaas, oo ay ka mid yihiin abaaraha gobolkaasi halakeeyay, duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku eedeeyeen dowladda Kenya iyo arrimaha doorashada.

Labada dhinac waxa ay si gaar ah diiradda u saareen arrinta doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaareey ee uu ka taagan yahay khilaafka xooggan.

Nabadoon Cabdinaasir Maxamed Sheekh Faantooy oo kamid ah cuqaasha la kulantay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen iskuna afgarteen in doorashada lagu qabto magaalada Garbahaarey.

“Waxaan isku afgarannay in Garbahaarey lagu qabto doorashada, markaan ra’iisul wasaaraha ugu tagnayna waxa uu yiri waan qabanahayaa wayna ka dhacaysaa,” ayuu yiri Nabadoon Cabdinaasir.

Nabadoonku waxa uu intaasi ku daray inay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashada lagu qabto magaalada Garbahaarey, maadaama ra’iisul wasaaraha oo mas’uul ka ah doorashada uu u ballanqaaday in doorashada la qaban doono.

Jubaland oo ku doodaysa in doorasho aanay ka dhici karin Garbahaarey

Maamulka Jubaland ayaa ku doodaya in Garbahaareey aanay doorasho ka dhici karin, maadama ay gacanta ugu jirto ciidamada federaalka.

Hadalkan ayaa waxa uu ka soo baxay kulan la sheegay in magaalada Kismaayo uu ka socday 12-kii iyo 13-kii bishan Febraayo markaas oo isugu yimaadeen mas’uuliyiinta golaha fulinta iyo kan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland.

Shirkaas oo uu gudoominayay madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa waxa ay madaxdu isla garteen in doorashada aanan lagu qaban karin Garbahaarey maadaama sida ay sheegeen ay tahay “deegaan doorashada kaliya ee aan lahayn maamul ku dhisan dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka kulankaas ka soo baxay ayaa lagu sheegay in “marka la eego baaxadda iyo mugga caqabadaha ku xusan war-saxaafadeedka [ay soo saareen], ay u muuqato in xallintooda u baahan tahay waqti dheer oo ka badan kan hadda la haysto.”

Maamulka Gedo oo ku adkaysanaya in doorashada ay Garbahaarey ka dhacayso

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed, oo BBCda u warramay ayaa gaashaanka u daruuray hadalka ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland, isagoo sheegay in Garbahaarey ay u diyaarsan tahay doorashada inay ka dhacdo.

Mar uu ka jawaabayay bayaalka Jubaland waxa uu yiri “Hadalkaas waxaan u aragnaa mid waqtigiisa aanan gaarin, oo ay soo saareen niman waxa Jubaland ka jira xog ogaal u ah oo indhaha iskatiraya, sharcigana baal marsan baan aaminsanahay inay yihiin.”

Guddoomiyaha ayaa xusay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaarey, wuxuuna xusay in doorashada ay u dhici doonto si xor iyo xalaal ah.

Axmed Buulle ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in doorasho ay ka dhacdo Garbahaarey.

Sida ay illaa hadda wax u socdaan

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xudun u noqday khilaafka muddada u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay horay ugu andacoodeen in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrintani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.