Halkee ayey ku dambeysay deyn ka-cafintii SOMALIA?

Muqdisho (Caasimada Online)- Xukuumada Somalia ayaa weli ku guda jirta sida looga cafin lahaa deynta lagu leeyahya Somalia, oo walaac gaara galisay dowlada Federaalka.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulamo kula qaatay Madaxda Hay’adda IMF ayaa sheegay in Xukuumadu ay diyaar u tahay in dhibaato waliba ay u marto cafinta deynta.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay in Madaxda Hay’adda IMF ay diyaar u yihiin inay wax la qabtaan dowlada Somalia, hase yeeshee ay ahmiyada koowaad siinayaan in si sharci ah looga gudbo shuruudaha lagu xiray dowlada.

Beyle, waxa uu sheegay in madaxda Hay’adda ay ku adkeysanayaan in marka hore ay Somalia soo dhameystirto shuruudaha u sahli lahaa in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxa uuna ka Wasiir ahaan carab dhabay in juhdi ay ku bixinayaan sida looga gudbi lahaa shuruudaha oo wali qabyo ah.

Wasiir Beyle ayaa yiri “Waxaa naga go’an inaan ka miro dhalino hadafkeena ah in nalaga cafiyo deynta, si aan u gaarno dhaqaalo badan oo dalka dib ugu dhisano waa inaan marka hore dunida ka helno cafis”

Wasiir Beyle waxa uu carab dhabay in madaxda Hay’adda IMF iyo Hay’addo kale ay wali isha ku hayaan kobaca dhaqaale ee dalka iyo sida loo maareynaayo.

Waxa uu intaa raaciyay in qeybihii ugu danbeeyay  ay isla marayan Hay’adda IMF, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dhawaan lasoo gabagabeynayo.

“Waxaanu mareynaa heerkii ugu danbeeyay ee gudbinta shuruudaha, waxa uu qorshaheenu yahay inaan ka dhabeyno cafinta deynta waayo Somalia waa dal soo kabanaaya”

Si kastaba ha ahaatee, Bangiga adduunka ayaa warbixin uu toddobaadyo ka hor uga hadlay dhaqaalaha Somalia wuxuu sheegay inuu dhaqaalaha dalka uu kordhay  wallow uu jiro kobac dhaqaale oo aan gaarsiisneyn heerkii loogu tallo galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com