Halkee ayuu ku danbeeyay ballan qaadkii uu Ducaale u sameeyay shacabka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Xukuumada Somalia Axmed Abuukar Islow ducaale, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Wasaaradiisu ay ka shaqeyn doonto sida ugu sahlan ee shacabka loogu fasixi lahaa dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaale ayaa hadalkaasi sheegay 21 bishaan xili uu ka qeybgalaayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana uuna tilmaamay in dowlada Somalia ay dareemi karto dhibta ay shacabka kala kulmaan waddooyinka Muqdisho.

Wasiir Ducaale waxa uu sheegay inaanu mar danbe dhici doonin in dadka shacabka ah ee wata gaadiidka waddooyinka looga celiyo kaar dowladeed.

Ballanqaadka Wasiir Ducaale oo ay kasoo wareegatay 5 cisho ayaan weli ka dhaqan galin magaalada Muqdisho, waxa uuna horay u sheegay in dhammaan ciidamada dowlada aysan celinkarin dadka shacabka ah ee wata gaadiidka raaxada ah.

Waxaa muuqata in weli uusan dhaqan gelin amarka iyo ballanqaadka Wasiir Ducaale, waxaana weli jira meelo badan oo dadka shacabka ah ee aan wadan kaarka dowlada mari karin.

Waddooyinka dadka shacabka ah weli lagu weydiiyo kaararka waxaa ka mid ah wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo laga mamnuucay dhammaad inta aan dowlada la shaqeyn.

Dadka shacabka ah ayaa sidoo kale culeys ku qaba xernaashaha wadooyinka qaar marka ay madaxda sare ee dowladda ka soo baxaan Madaxtooyada ee shaqooyinka u soo aadayaan banaanka ama marka ay dalka dibaddisa u amba baxayaan.

Wasiirka Amniga Ducaale ayaa mar kale loogu baaqay in dib u eegis uu ku sameeyo ballanqaadyada iyo amaradiisii ku aadanaa fasaxaada shacabka gaadiidka wata ee aan la shaqeyn dowlada.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa waddooyinka qaar u mamnuucday amni darro jirta aawgeed, kadib markii ay bateen naftood haligayaasha isku muuqaalka ekeysiiya shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com