Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii loo xilsaaray xalinta Dagaalkii Ahlu Sunna iyo Ciidamo taabacsan Dowladda ee ku dhexmaray Degmada Guriceel ayaa sheegay in dhameystirka heshiiska dhinacyada laga sugayo dowladda Somali.
Labada dhinac ayaa Xabad joojin lakala dhexdhigay hase ahaatee wali waxaan jirin heshiis rasmi ah oo laga gaaray Colaada.
Axmed Gurxan Cabdi oo ka mid ah Guddiga dhexdhexaadinta ayaa sheegay in qeybta dhiman heshiiska laga sugayo inay dhameystirto dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in dhankooda ay howshu kasoo idlaatay, balse ay u xayiran yihiin DF Somalia oo looga fadhiyo gabagabeynta xalinta.
Dhanka kale, Axmed Gurxan Cabdi waxa uu carabka ku dhuftay in DF looga baahan yahay inay soo dirto wafdi hor leh oo ka socda dhanka wasaarada arrimaha gudaha si ay u wada kulmiso dhinacyada heshiiska la kala dhex dhigay.
Wuxuu tilmaamay inay fariimo u direen dowlada, kaliya ay hadda u xayiran yihiin wafdiga ay dowladu soo diri doonto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

