Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhow nasoo gaaray, ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gen. Maxamed Cumar Madaale.
Xil ka qaadista Madaale, ayaa lagu sheegay inay tahay mid ka dambeysay kadib markii uu hana waayay Xaqiijinta Amaanka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kaalinta Booliska DF Somalia uga aadan ka hortaga weerarada iyo dilalka qorsheysan.
Gen. Maxamed Cumar Madaale, ayaa la sheegayaa in lagu bedelay Gen Mukhtaar Xuseen Afrax oo khibrad dhanka Booliska leh.
Xil ka qaadista Madaale ayaa sabab u aheyd weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Hotel S.Y.L iyo weerarkii lagu dilay Afar Saraakiil oo ka howlgali jiray Garoonka Aadan Cadde, xili goobta lagu dilay ay ka ag dhawaayen Ciidamo Boolis ah.
Dhanka kale, xil ka qaadista lagu sameeyay Maxamed Cumar Madaale, ayaa hordhac u ah Xil ka qaadis Ceynkaasi ah oo lagu sameynaayo Taliyayaasha Militeriga iyo qeybo kamid ah Booliska, halka maalmo ka hor xil ka laga qaaday kuwa Nabadsugida u qaabilsan Gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

