28.3 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Hanaan ceynkee ah ayaa loo mari doonaa shaqaaleysiinta 1,000 dhalinyaro ee uu amray RW Kheyre

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa faahfaahin ka bixiyay hanaanka ay u mari doonaan shaqaaleysiinta 1,000 dhalinyaro ee uu dhawaan amray Ra’isul wasaaraha Somalia.

Thaabit, ayaa sheegay inay wadaan hirgalinta amarka Ra’isul wasaaraha ee lagu dhaqan galinaayo shaqaaleysiinta 1,000 dhalinyaro.

Waxa uu Thaabit tilmaamay inay qaban doonaan Barnaamij lagu faah faahinayo Kunka Dhalinyaro ee maamulka gobolka Banaadir uu shaqaaleysiinayo dhowaan.

Dhalinyarada la shaqaaleysiin doono ayuu sheegay inay ka kala imaan doonaan dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, isla markaana la sameyn doono barnaamijo lagu kala saarayo dadka si aanu dhinac ugu badan dhalinta.

Shaqaaleysiinta dhalinyarada ayuu cadeeyay inay tahay mid shaqo abuur loogu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed, mushaarkiisana uu bixinayo Bankiga Aduunka, mudo lix biloodna uu soconayo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa raaciyay in dhalinyarada ay ku dhex biirin doonaan dhalinyaro aan loo eegi doonin degmooyin, balse loo fiirin doono duruufta heysata qoysaska Soomaaliyeed.

Sidoo kale Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay Barnaamijkan in uu noqonayo mid xalaal ah oo aysan jiri doonin garab iyo in qof walba uu soo wato xigtadiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhowaan Duqa Muqdisho ku amray in gobolka uu shaqaaleysiiyo Kun Dhalinyaro ah, si dhalinyarada ay uga baaqsadaan Tahriibka iyo waxyaabaha kale ee noloshooda ay ku biimeynayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News